December 7, 2014 (GO)- Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen xeer ilaaliyaha iyo hanti dhowraha guud ee Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay inaysan ilaa amar dambe dalka ka bixi karin xubnihii Golaha Wasiirada ee shalay baarlamaanku kalsoonida kala laabtey.

Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir oo waraysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa faah faahin ka bixiyey sababta arintan ka dambeysa, wuxuuna sheegay in ujeedada laga leeyahay tahay si laysula xisaabtamo islamarkaana loo ilaaliyo hantida qaranka.

Daahir ayaa sheegay in ay jiraan mas'uuliyiin badan oo horay wasiiro usoo ahaa, kuwaasoo markii xilka laga qaadey kadib dalka ka dhoofay iyagoon lala xisaabtamin islamarkaana diidey inay soo wareejiyaan hantida qalabka u badan ee ay ku shaqeynayeen.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusay in mas'uulkii doonaya inuu dalka dibadiisa u safro ogolaansho soo weydiisto madaxtooyada, xafiiska xeer ilaaliyaha guud iyo weliba hanti-dhowrta qaranka.

Amarkan oo ah kii ugu horeyey ee noociisa ah, wuxuu imaanayaa maalin kadib markii aqlabiyadda baarlamaanku kalsoonida kala noqdeen xukuumadii uu hogaaminayey Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Mooshinka laga keenay Ra'iisul Wasaaraha oo muddo dheer soo jiitamayey islamarkaana sabab u noqay in xildhibaanada baarlamaanku labo garab u kala jabaan, waxaa gudoonka baarlamaanka loosoo gudbiyey afar todobaad kahor markaasoo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaruhu cirka isku shareeray.

GAROWE ONLINE