Atlantic Council: "Dowladda Soomaaliya khilaafka Khaliijka dhinac bay raacday"

Image

WASHIGHTON- Heyadda cilmi baarista Atlantic Council oo xarunteedu tahay Washington D.C. caasimadda Maraykanka ayaa qoraal dheer ka qortay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Imaraadka Carabta oo sii xumaaday bilihii lasoo dhaafay.

Atlantic Council waa hey'ad talo bixin siisa Baarlamaanka Maraykanka, Wasaarada  Arrimaha dibedda Mareykanka, Gaashaandhigga, iyo hey’adaha sirdoorka sida CIA-da.

Warsidaha Garowe Online ayaa qoraalkaan qeyba kamid ah u tarjumay akhristaashiisa si ay wax oga ogaadaan sida caalamka intiisa kale u arko talaabooyinka isbadal isbadalada siyaasadeed ee ka socda Villa Somalia iyo saameynta ay yeelan karaan mustaqbalka dalka: 

Sida lagu baahiyiyey warbixin ay soo saartey xarunta ciidamada dowladda Mareykanka ku leeyihiin dalka Jabuuti ( AFRICOM) ayaa lagu sheegey in weeraro ay ku qaadeen bartilmaameedyo kooxaha Al Shabaab ku leeyihiin Soomaaliya gaar ahaan gaari sidey qaraxyo ay April 11, 2018 kaasoo lagu burburiyey duleedka magaalada Muqdisho. Talaabadaan ayaa aheyd midii Sadexaad ay bishaan gudaheed qaadaan ciidamada Mareykanka.

Kor u kaca weeraradaan dowladda Mareykanka la beegsaneyso kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qacida iyo ururka ISIL oo fariisimo ku leh qaybo ka tirsan Soomaaliya waxay muujinayaan tabar yaridda ka muuqata dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wadanka Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 ciidamo ka socda dalalka Afrika ( Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda) kuwasoo mushaharadkooda ay bixiyaan midowga Yurub iyo Mareynkanka oo dhinacyo ayaa haddana dhinaca kale waxaa ka socda in siyaasiyiinta Soomaalida ku mashquulsan yihiin in kooxiba kooxda kale ka takhalusto. Arimaha noocaan ah waxaa ugu dambeeyey murankii soo kala dhexgaley Afhayeenkii Barlamanka Federaalka ah iyo hay’ada fulinta dowlada sida lagu xusey warbiixntaan.

Xilli uu kor u kacayo dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyadda iska soo horjeeda ee Soomaaliya, kooxaha xagjirka ah- ay kamid yihiin xubno ahaan jirey Al-Shabaab oo garabsanaya ururada Al-ictisaam, Maxaakiimtii Islaamiga ahaa iyo Islaax- ayaa bilaabey iney ku midoobaan magaca ururka Ictisaam. Warbixintaan ayaa lagu sheegey in ururka Ictisaam uu tageero ka haysto xubno sare oo ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya. 

Qoraaga warbixintaan ( J. PETER PHAM) mar uu ku tagey booqasho Afrika bishii la soo dhaafey ayaa kulan uu la qaatey nin aqoon u leh dhinaca sirddoonka dalka Soomaaliya waxaa uu u  sheegey  in saameynta ururka Ictisaam ku leeyahay dowlada Federaalka ay gaareyso ilaa agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin. Fahad Yaasiin ayaa sida qoraalkaan lagu sheegey inta uusan soo galin siyaasada Soomaaliya madax ka ahaa ololihii siyaasdeed ee Madaxweyne Farmaajo isagoo dhinaca kale kasoo shaqeeyey Taliishinka Al-Jazeera qaybtiisa Carabiga (Qadar).

Yaasiin ayaa dhinaca kale waqtigaas xiriir toos ah la lahaa xubno muhiim ah oo ka tirsan ururka Itixaad kasoo markii lagu darey argagixisada caalamiga ah loo baxshey magaca Ictisaam.

Warbixntaan ayaa diirada saareysa sidoo kale saameynta ururka Ictisaam ku leeyahay siyaasada dowladda Federaalka ee waqtigaan iyagoo gacansaar siyaasdeed la leh xubno muhiim ah oo ka tirsan dowlada, waxayna muhiimad gaar ah siinayaan ayaa lagu sheegey xogtaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen doorashada la filayo in dalka ka dhacdo 2020.

Barnaamijka ugu muhiimsan ay kooxdaan leedahay waqtiga dhow ayaa ah sida lagu sheegey qoraalkaan- kamid noqoshada ciidamada qaranka Soomaaliya (SNA) taasoo xaqiiq noqoneysa markii uu dhamaado tababar la siinayo 1000 askari oo ka tirsan kooxdaan. Kunkaan askari ayaa la wareegi doona amaanka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.... oo dib habeyn lagu sameyn doono, askartaan ayaa ka koobnaan doonta xubno horey uga tirsanaan jirey ururka Al-Shabaab kuwasoo ka shaqeyn doona amniga magaalo madaxda, waxaana kor kala soconaya guddi uu hogaaminayo Shiikh Cabdulahi Axmad Cumar oo horey uga tirsanaan jirey Jabhatul islamiya ama ( The Somali Islamic Front, JABISO) waxayna 2006 markii ciidamada Ethiopia soo faragaliyeen dagaalka Soomaaliya ku biireen ururkii la oran jirey Xisbul Islam.

Atlantic Council ayaa warbiixnteedda ku sheegtey in howlahaan oo dhan ay ka dhacayaan meel aan ka fogeyn Madaxweyne Farmaajo (Under the Nose) iyadoo go'aamada qaarkood-na yihiin kuwa aan waxba laga waxba-laga waydiin fulintooda.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa soo hadal qaadey xiriirka xumaadey ee dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Imaraadka Carabta iyadoo lagu eegey sababaha keeney in heerkaas uu gaaro waxaana lagaga sheekeeyey dhac-dadii garoonka diyaardaha Muqdisho.Waxaa kale oo lagu xusey taageerada UAE uu joojiyey taasoo uu siin jirey ciidamada Soomaaliya iyo Isbitaalka dadka bukaan socodka ah lagu daaweyn jirey ee Muqdisho.

Waxaa dhacay waxaa weeye, khilaafka dibloomaasiyeed ee u dhaxeeya Qadar iyo dowladaha khaliijka gaar ahaan Sucuudiga, Imiraadka iyo Baxrayn ayaa soo gaaray Geeska Afrika isagoo noqday dagaal gacanta sadaxaad (Proxy Conflict). Intaasi waa la qiyaasi karay, laakin waxaa la yaab leh welwelna abuuraysa markii laga eego dhanka (Danaha) dowladda Mareykanka iyo saaxiibadeeda, in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhinac raacday.  

Sidoo kale go’aanka dowladda Federaalka waxaad moodaa inay dabada ka riixayaan, ilaa xad, koox yar oo xagjiriin ah kuwasoo ku dhex jira dowladda daciifka ah ee Soomaaliya, iyadoo awalba welwel badan laga qabay khatarta  kooxaha argagaxisada ah ee dalkaas.

Warbixinta J. PETER PHAM ayaa ah mid markii ugu horeysay daaha ka qaadey saameynta siyaasadeed ee agaasimaha guud ee Villa Somalia( Fahad Yaasiin) ku leeyahay siyaasada Soomaaliya iyo qorshayaashiisa dahsoon kuwasoo welwel ku abuurey wadamada Muqdisho ka tageera la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

HALKAAN KA AKHRI WARBIXINTAAN OO KU QORAN AFKA INGRIISKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM