Axmed Madoobe oo gudoomiyay Shirka Gollaha Wasiiradda [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee Gollaha Wasiirada oo ka dhacay Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Wasiiradda uga warbixiyay qodoabadii kasoo baxay Shirkii Gollaha Amniga ee lagu qabtay Muqdisho, kaasi oo lagu saxiixay heshiis dhanka qeybsiga Khayraadka Kalluunka.

Dhinaca kale, Shirka Gollaha waxaa lagu meel mariyay Magacaabida Madaxweynaha ee Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee maamulka Jubbaland.

Magabaacista labada mas’uul ayaa lagu soo beegay xilli xiisad siyaasadeed ay ka jirto Kismaayo, oo maamulka Axmed Madoobe xabsiga dhigay Xildhibaan Axmed Taajir, oo kamid ah Koox Xildhibaano ah oo mooshin ka diyaariyay Gollaha Wasiiradda Jubbaland.

Axmed Taajir ayaa xasaanadda laga qaaday maalmo kahor inta aan la xirin, iyadoo markii lasoo daayayna uu ku dhawaaqay inuu iska casilay xubinimadii Baarlamaanka uu ku matalayay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibaanada Mooshinka ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Axmed Madoobe wax qabad la'aan, musuq, nin jeclaysi iyo inay ka fashilantay xureynta deegaanada maamulkaasi, oo intiisa badan ay gacanta ku hayso Al Shabaab.

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa Gollaha uga warbixiyay xaaladda deeganada Jubbaland iyo sidii Kooxda Al Shabaab looga saari lahaa goobaha ay maamusho.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM