Baarlamaanka oo soo farageliyay Khilaafka Thaabit iyo Villa Soomaaliya

Image

MUQDISH, Soomaaliya - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo farageliyay khilaafka u dhaxeeya Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

War Saxaafadeed uu soo saarey Gudoonka Gollaha Shacabka ayaa looga baaqay Madaxda dalka si wadajir ah uga hortagaan in Khilaafka taagan uu keeni karo xasilooni darro siyaasadeed oo dib u dhac ku keeni kara shaqooyinka dowladda.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Maqaamka Caafimadda dalka go'aan looga gaari karo in dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka, waxaana sharci gaar ah kasoo saari doona labada golle ee Baarlamaanka.

Gollaha Shacabka ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka inuu leeyahay matalaadda shacabka Soomaaliyeed sida uu qabo qodobka 64aad ee Dastuurka, waxaana uu codsaday in la xurmeeyo gudashada waajibaadkiisa, oo uu kamid yahay go'aan ka gaarista Maqaamka Magaalo madaxda dalka.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro khilaaf xooggan oo u dhaxeeya Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed iyo Madaxda sare ee dowladda Federaalka oo ku aadan maqaamka Caasimadda iyo arrimo la xiriiro dhulka hantida qaranka.

Thaabit ayaa doonaya inuu qabto shirweyne Odayaasha gobolka Banaadir uga hadlayaan maqaamka Muqdisho, kaasi oo la filayay inuu qabsoomo 7-dii bishan, balse baaqday markii ay dowladda diiday in la qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM