Baarlamaanka oo soo farageliyay Khilaafka Thaabit iyo Villa Soomaaliya

Image

MUQDISH, Soomaaliya - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo farageliyay khilaafka u dhaxeeya Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

War Saxaafadeed uu soo saarey Gudoonka Gollaha Shacabka ayaa looga baaqay Madaxda dalka si wadajir ah uga hortagaan in Khilaafka taagan uu keeni karo xasilooni darro siyaasadeed oo dib u dhac ku keeni kara shaqooyinka dowladda.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Maqaamka Caafimadda dalka go'aan looga gaari karo in dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka, waxaana sharci gaar ah kasoo saari doona labada golle ee Baarlamaanka.

Gollaha Shacabka ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka inuu leeyahay matalaadda shacabka Soomaaliyeed sida uu qabo qodobka 64aad ee Dastuurka, waxaana uu codsaday in la xurmeeyo gudashada waajibaadkiisa, oo uu kamid yahay go'aan ka gaarista Maqaamka Magaalo madaxda dalka.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro khilaaf xooggan oo u dhaxeeya Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed iyo Madaxda sare ee dowladda Federaalka oo ku aadan maqaamka Caasimadda iyo arrimo la xiriiro dhulka hantida qaranka.

Thaabit ayaa doonaya inuu qabto shirweyne Odayaasha gobolka Banaadir uga hadlayaan maqaamka Muqdisho, kaasi oo la filayay inuu qabsoomo 7-dii bishan, balse baaqday markii ay dowladda diiday in la qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM

Xasan Sheekh: Hal qodob ayaan ka qaadanay war-murtiyeedkii shirka Kismaayo

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay mar walba u taagan tahay dhegeysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 08:37AM