Balantii ay dowlada Soomaaliya ka baxday ee Kenya la harsan weyday

Image

NAIROBI, Kenya – Wargeyska Sunday Standard ee kasoo baxa magaaladda Nairobi ayaa shaaca ka qaadey wax uu ugu yeeray "xudunta" xiisadda diblumaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Sidda laga soo xigtay warbixinta uu qoray Joornaalka, bu'da is-qabqabsiga ayaa ah balan ay horey u qaaday Soomaaliya oo ku aadan in ay dib u eegeyso falalka ay shirkad caalami ah ka sameysay sheegashooyinka Kenya ee xuduuda badda.

Wacadkaasi waxaa qaadey wasiirka arrimaha dibadda xukuumada federaalka Axmed Ciise Cawad intii lagu guda jiray kulan uu bishii April 3-deeda uu la yeeshay dhigiisa Kenya, marwo Monica Juma.

Yabooha uu Cawad siiyey Juma ayaa ahaa in dowladiisu dib u eegis ku sameyn doonto dhamaan waxyaabihii ay shirkadda Spectrum Geo kusoo bandhigtay shirkii shidaalka Soomaaliya ee London, 7-dii Febraayo 2019.

Arrimaha shirka lagu soo bandhigay ee dowladda Kenya ka caroortay ayaa ah khariirada goobaha kheyraadka dabiiciga ah laga helay.

Kulankaasi ayaa ahaa midkii ugu horeeyay oo caalami ah kaasoo lagu suuq-geynayay shidaalka Soomaaliya, balse Kenya waxay u qaadatay in uu ahaa mid lagu iibinayey xermooyin shidaal oo ku jiray dhulka ay sheeganeyso.

Xukuumadda Nairobi ayaa xiligaasi codsatay in warbixinta shirkadda Spectrum Geo, oo Norway laga leeyahay, laga saaro khariirada qaybta ay muranka gelisay, taasoo ay ku sifeysay "duulaan khariiradeed".

Balanta uu Cawad shirkaasi ku qaadey balse laga qariyey warbaahinta ayaa qeyb ka ahaa heshiis ka kooban Shan qodob ayna ku jirtay in safiirada dib loosoo celiyo, isu furida is-gaarsiinta iyo dagaalka Al-Shabaab.

Qoraal uu Cawad u soo diray Kenya 30-dii May, ayuu su'aal ku geliyay in Kenya fulineyso heshiiska, isaga oo sheegay in dowlada Soomaaliya ay dib u eegeyso falalkaasi balse aysan qayb ka ah go’aanka xukuumadda.

Is-afgaradkaasi ayaa yimid laba bilood kadib markii ay Kenya soo eriday danjiraha Soomaaliya ee Nairobi iyadda oo Muqdisho ku eedeysay "ku xadgudubka dhulkeeda, waxayna dalbatay fasiraad".

Talaabadaasi ayaa muujisay in ay carootay Kenya inkasta oo aysan ahayn tii ugu dambeysay. Waxaa xigtay joojinta duulimaadka tooska ee Muqdisho-Nairobi, mas'uuliyiin lasoo musaafuriyey, xayiraado socdaal iyo beegsiga Soomaalida.

Dhacdooyinkaasi oo idil oo ay Kenya u qaadey si ay u cadaadiso Soomaaliya dibna ula soo noqoto dacwadda badda ayaa xukuumada Muqdisho waxay jawaabteeda kusoo koobtay "walaac iyo falal kasoo horjeeda derisnimadda".

Falanqeeyayaasha maxaliga ah ayaa rumeysan in Kenya ay qorsheyneyso talaabooyin kale, waxayna ku tartarsiiyeen dowlada Soomaaliya in ay qaataan go’aano ay uga hortagayaan ama ay isu diyaariyaan.

Cilaaqaadka labada waddan oo meeshii ugu hooseysay gaarey taariikhda inta la ogyahay ayaa dadka ugu badan ee uu saameynayo waa shacabka labada wadan iyadda oo kaalinta saxaafada ee buunbuuninta ay xii hurisey xiisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay madaxda maamulada xilli ay xiisad jirto

Casuumaadan ayaa imaanaysa saacado kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maamulada soo saarayaan bayaan wadajir ah.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 04:28AM

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Salah Jama ayaa goobjoog ahaa munaasabadan.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 12:07PM