Cadaado: Baarlammaanka Galmudug oo doortay Guddoomiye

Image

June 27, 2015 (O)- Baarlammaanka maamulka lagu dhisayo magaalada Cadaado ee Galmudug ayaa maanta oo Sabti ah doortay guddoomiye cusub.

Xilka guddoomiyaha baarlammaanka Galmudug waxaa ku tartamay labo murashax oo kasoo jeeda degmada Ceelbuur laguna kala magacaabo Cabdullaahi Maalin Gaafow (Aasbaro) iyo Cali Gacal Casir.

Doorashada guddoomiyaha ayaa labo wareeg qaadatay waxayna ugu dambeyntii guushu ku raacday Cali Gacal Casir oo helay 45 cod halka murashaxa kale ee la tartamayey uu helay 28 cod. Tirada guud ee codadka ayaa ahayd 84.

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug waxaa la dooran doonaa afarta bisha soo socota ee July, sida ay horay u shaaciyeen guddiga maamulaya shirka Cadaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM