Canshuurta Al-Shabaab ee Ganacsiga Muqdisho oo laga dooday [DAAWO[

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Doodii ugu kululeyd ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka yeeshay xaaladda dalka, gaara ahaan amniga, canshuurta iyo amarada Al-Shabaab kusoo rogto magaalo madaxda Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa caasimada kusoo rogtey amarada ay kamid yihiin, in xiro garoomada kubadda cagta, in ganacsatada qaarkood ay Canshuur siiyaan iyo in shaqsiyaadka isku qabsada waxyaabo ay iyaga u cadaalad doontaa, taasoo dhamaan dhaqan-gashay.

Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa soo jeediyey in aanan la buun-buunin fashilka Xukuumadda haysta, ee kasoo wajahay amniga iyo eedeymaha kale ee loo jeedinayo.

Sharci-dejiyaasha ayaa ku doodaya in qaabka loo wajahayo arrimahaan haatan taagan ay tahay masuuliyad wadareed, taasoo looga baahan yahay Shacabka, dowladda iyo Xilldhibaanada inay si wadajir ah uga qaybtaan sidii looga gudbi lahaa.

Xildhibaano uu kamid yahay Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa gaashaanka ku dhuftay arrimahaasi, iyaga oo tilmaamay in dowladda ay iyadda saaran tahay masuuliyadda, loona baahan yahay inay la timaado qorshe cad oo ay wax kaga qabato.

Cabdixakiin ayaa cod dheer ku sheegay in dowladda la siiyey waqti ku filan oo ay wax uga qaban kartey dhamaan arrimahaan taagan, kuwaasoo uu tibaaxay inaanu dalka ka jirin kahor doorashadii Madaxwayne Farmaajo ee 8-dii Febraayo ee sanadkii hore.

"Ma ahan masuuliyad wadareed. Waxaan dowladda kula xisaabtameyno waa wixii ka dambeeyay 8-dii Febraayo. Marka aad leedahay masuuliyad wadareed, waxayna noqon kartaa marka aad la timaado qorshe cad oo lagula shaqeeyo iyo hiigsi aad leedahay Iska illow wixii hore u dhacay. Dowladdani waa la siiyey waqti ku filan, waxaan qabaa, oo aan si cad u sheegayaa in xukuumadani aysan ahayn tii aan kalsoonida siiney, oo maalinba waxbaa laga bedalayaa, sidaas darteeda Ra'siiul Wasaare Khayre iyo xukuumadiisa ha iska tagaan," ayuu yiri Xilldhibaanka.

Xorriyadda hadalka ayuu aaminsan yahay Xilldhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed ay qayb ka tahay waxybaaha ay ku guuldareysatay dowladdani inay adkeyso, isaga oo sheegay ciidamadda amniga loo adeegsado si loogu caburiyo dadka Soomaaliyeed ee muujinaya fekerkooda.

"Hadii aanan sheegin waxa dalka ka jira, yaa laga qarinayaa? Ma waxaa laga qarinayaa dadka ay dhibaatadu ku dhaceyso? Ma Ajaaniibta oo maalin walba warbixin kasoo saaraya dalka, oo sirdoonka dalka xiriir wanagasan la leh? Inaga waxana halkaan ku metalnaa shacabka Soomaaliyeed. Waxaana halkaan u joognaa inaan soo bandhigno dhibaatada iyaga ku dhaceysa ee aan inaga kaga jirno guryaha si wayn loo ilaaliyo," ayuu ku daray.

Ugu dambeyn, Xilldhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa iska fogeeyey inuu mucaarad ku yahay dowladda, isaga oo tibaaxay in hadalada uu sheegayo ay yihiin kuwa uu ku taageerayo xukuumadda, isaga oo ku baaqey wax-qabad muuqda oo dalka iyo dadka faa'ido u leh.

HOOS KA DAAWO DOODDA GOLLAHA SHACABKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM