Caqabadaha ku geedaaman guusha Dhuusamareeb 3 oo sii baahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyaddoo waqtiga uu isa sii gurayo, waxaa sii kordhaya caqabadaha ku geedaaman furitaanka wejiga saddexaad ee shir-madaxeedka Dhuusamareeb oo loo madalsanaa 15-ka bishaan August, 2020.

Qodobka ugu weyn ee kolkii hore ku xeeranaa ayaa ahaa qaabka madaxda uga heshiineyso nooca doorashooyinka 2020-21, arrintaas oo Dhuusamareeb 1 iyo 2 ay isku raaceen in ay guddi kasoo baaran dega u saareen.

Hase ahaatee, waxaa hataan soo kordhay diidmo ay ka qeybgalka wejiga saddexaad ka muujiyeen Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo cuskaday qodobo ay kamid yihiin in dowlada federaalka jebisay heshiisyadii hore.

Dhexdhexaadnimada maamulka Galmudug oo mugdi gashay ayaa kamid ah arrimaha soo kordhay markii madaxweyne Qoor-qoor uu naqdiyey mid kamida shuruudihii Puntland iyo Jubaland ku xireen ku biiridda shirka.

Dhamaan dharbaaxooyinkan ayaa ka dhashay talaabooyin ay Villa Soomaaliya qaadey oo ay ugu horeyso riditaanka xukuumadda iyo in ay la wareegtay shaqooyinkii guddiga farsamada ee talobixinta laga sugayey.

Intii lagu guda jiray diyaar-garowga shirka Dhuusamareeb 3, Villa Soomaaliya ayaa Muqdisho ugu yeertay madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle si ay uga gado qorshaheeda qof iyo cod ee dheereysiga ku daahsoon.

Sidoo kale, Madaxdaan ayaa la kulmay safiirka Qadar, kaasoo lacag ku bixinaya sidii xafiiska u sii joogi lahaa Farmaajo isla markaana shirka Dhuusamareeb 3 loogu go'doomin lahaa madaxda Puntland iyo Jubaland.

Qoor-qoor ayaa qorshihiisa safarka uu ku tegay Muqdisho waxaa kamid ahaa sidii qof ku heeb ah u heli lahaa xilka ra'iisul wasaaraha.

Isagoo ka hadlayey baarlamanka, madaxweyne Farmaajo ayaa waxba kama jiraan kasoo qaadey go'aanadii shirarka Dhuusamareeb 1 iyo 2, wuxuuna caddeeyay in uu wali ku taagan yahay doodiisa doorasho qof iyo cod ah.

Puntland iyo Jubaland oo ficiladan u arkay mid lagu marin-habaabinayo shirka Dhuusamareeb 3 ayaa xusay in ay kasoo qeybgalaan shirka marka ay saaxiibada caalamka kasoo muuqdaan si ay damaanad-qaadaan fulinta heshiiska.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa Farmaajo ugu baaqay "in uu khaladkiisa qirto".

"Shirkii Dhuusamarreeb I waxaa ka qaybgalay 5 Madaxweyne Dowlad Goboleed. Dhuusamarreeb II waxaa ku biiray Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha 7 ayey noqdeen. Dhuusamarreeb III waxaa maanta ku sugan 4 hoggaamiye oo keli ah. Cid kale yuusan ku eedin Madaxweynaha, isaga ayaa dadkii kala irdheeyey ee masuuliyadda madaxa ha saarto," ayuu kusoo qoray Facebook.

Shirka Dhuusamareeb 3, oo loo arko fursadii ugu dambeysay ee hogaamiyeyaasha Soomaalida heshiis siyaasadeed uga gaari lahaayeen mar-xalada kala guurka, ayaa u muuqaneysa mid ku dhow fashil, arrintaas oo cawaaqibkeeda leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM