Cawad: Muuse Biixi ma aanan kala hadlin arrimo quseeya siyaasad

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, ayaa bixiyey nuqul kamid ah fahfaahinta kulankii ay Xajka kula yeesheen madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Mas'uuliyiinta ka socotay xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho ee shirka ka qaybgalay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiiradda Maaliyadda iyo Kalluumeysiga.

Kulamadan oo kale oo dhif iyo naadir ah ayaa dood ka dhaliyey baraha bulshadda, waxaana xiiso usii yeelay markii lasoo bandhigay sawirro ay kasoo wada muuqdeen iyaga oo dhoola caddeynaya.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan la kulanay madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdigiisa intii lagu guda jira Xajka," ayuu Cawad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegta gooni isu toog tan iyo 1998-dii, hasa ahaatee caalamka intiisa kale wuxuu u aqoonsan yahay maamul goboleed hoostaga dowladda federaalka ah.

"Kani wuxuu ahaa kulan saaxiibtinimo oo walaalo ku dhex-maray goobta ugu barakeysan uguna farxadda badan Muslimiinta," ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Xiriirka Caalamka Soomaaliya.

Dadka ka fal-celiyay is-gacan-qaadkan oo ay ku jiraan siyaasiyiin ayaa su'aalo iska waydiinayey waxay kawada hadleen dhinacyadda maadaama ay jirto kala aragti duwanaanshiyo ku aadan wada hadalka.

"Aad ayaan ugu riyaaqnay wada sheekeysiga saaxiibtinimo – kaasi oo aysan ku jirin wada xaajoodyo siyaasadeed oo aan ka yeelanay waxyaabaha la og-yahay," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM