Cawad: Muuse Biixi ma aanan kala hadlin arrimo quseeya siyaasad

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, ayaa bixiyey nuqul kamid ah fahfaahinta kulankii ay Xajka kula yeesheen madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Mas'uuliyiinta ka socotay xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho ee shirka ka qaybgalay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiiradda Maaliyadda iyo Kalluumeysiga.

Kulamadan oo kale oo dhif iyo naadir ah ayaa dood ka dhaliyey baraha bulshadda, waxaana xiiso usii yeelay markii lasoo bandhigay sawirro ay kasoo wada muuqdeen iyaga oo dhoola caddeynaya.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan la kulanay madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdigiisa intii lagu guda jira Xajka," ayuu Cawad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegta gooni isu toog tan iyo 1998-dii, hasa ahaatee caalamka intiisa kale wuxuu u aqoonsan yahay maamul goboleed hoostaga dowladda federaalka ah.

"Kani wuxuu ahaa kulan saaxiibtinimo oo walaalo ku dhex-maray goobta ugu barakeysan uguna farxadda badan Muslimiinta," ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Xiriirka Caalamka Soomaaliya.

Dadka ka fal-celiyay is-gacan-qaadkan oo ay ku jiraan siyaasiyiin ayaa su'aalo iska waydiinayey waxay kawada hadleen dhinacyadda maadaama ay jirto kala aragti duwanaanshiyo ku aadan wada hadalka.

"Aad ayaan ugu riyaaqnay wada sheekeysiga saaxiibtinimo – kaasi oo aysan ku jirin wada xaajoodyo siyaasadeed oo aan ka yeelanay waxyaabaha la og-yahay," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM