Cawad oo sharaxaad ka bixiyay Kulankii Khayre iyo Geelle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida uu horey u baahiyay Warsidaha Garowe Online, Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxuu kula soo kulmay magaaladda Khartuum ee dalka Sudan, Madaxwaynaha Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Inkastoo qodobadii kulanka lagu lafa-guray aan saxaafadda loo soo bandhin, ayaa haddana xogta uu helay GO sheegaysa in Khayre iyo Geelle ay ka hadleen xiisadda diblumaasiyadeed ee soo kala dhex-gashay Soomaaliya iyo Jabuuti.

Xiisadda ayaa sida la ogyahay ka dhalatay baaqii Madaxwayne Farmaajo ee uu u jeediyay Qaramada Midoobey, ee uu kaga dalbaday in Eritrea laga qaado cunaqabateynta saaran tan iyo 2009.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo u waramay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da, ayaa wuxuu qiray inuu jiro kulankaas, isaga oo sheegay in masuuliyiinta ay sharaxaad iska siiyeen waxa sababay xiisadda labada dal.

Wuxuu ka gaabsaday inuu fahfaahin dheeraad ah ka bixiyo kulanka, isagoo kusoo koobay inuu jiro, islamarkaana ujeedku ahaa inuu Khayre sharaxaad ka siiyo Madaxwayne Geelle, hadalka kasoo yeeray Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya.

"Ra'iisul Wasaaraha oo Sudan kula kulmay Madaxwayne Ismaaciil Geelle, waxay sharaxaad ay iska siiyeen hadalkii Madaxwayne Farmaajo ee sababay xiisadda labadda dal. Xiriirka Jabuuti iyo Soomaaliya ma ahan mid kaliya ku kooban diblumaasiyad, waa mid walaaltinimo," ayuu yiri Wasiir Cawad.

War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, ayaa si kulul loogu cambaareeyay hadalkii Farmmaajo, waxaana lagu tilmaamay baaqa Madaxwaynaha iyo wadahadalada uu la yeeshay dhigiisa Eritrea "kuwa aanan lahayn naxariis".

"Inkasta oo Soomaali xaq u leedahay inay xiriir la yeelato dalal kale, hadana in Eritrea oo haysato dhul ka tirsan Jabuuti uu Madaxwayne Soomaaliyeed ugu baaqay caalamka in laga qaado cunaqaybta iyo xarriyaado dhaqaale, waa wax aan ka naxday," ayaa lagu yiri bayaanka Safaaradda.

Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sacaado kahor inta aan lasoo saarin war-saxaafadeedka waxa uu kasii duulay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, isaga oo dib ugu laabtay dalkiisa.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kusoo beegmaya xili maanta oo Isniin ah uu Muqdisho yimid wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, kaasoo kulamo la qaatey madaxda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM