Colaada Tukaraq oo saameyn ku yeelatey hay'adaha dowlada Soomaaliya [AKHRI]

Image

MUQDISHO- Waxaa labo Warsaxafadeed oo kala duwan soo saarey qaar ka tirsan Wasiirada iyo Xildhibaanada labada aqal ee Barlamanada Federaalka Soomaaliya kaga jira gobolada Sool , Sanaag, Cayn iyo Somaliland waxayna ka hadleen colaada Tukaraq iyo mowqifkooda ku aadan.

Xildhibaanada iyo Wasiirada kasoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa qoraal ka kooban 9 qodob kasoo saarey xaalada goboladaas ka taagan iyo dagaalka Tukaraq.

Qoraalkaan ayaa intiisa badan waxaa uu ka hadlay caburinta Somaliland ku hayso shacabka daga gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn' iyagoo dhinaca kale taageerey howlgalka dowlada Puntland sheegtey iney degaanadaas kaga xoreyneyso maamulka Somaliland. Halkan ka akhri qoraalkaan oo English ah.

Xubnahaan ayaa warsxafadeedkooda kaga codsadey dowlada Federaalka ah iyo Beesha caalamka iney kaalmo la gaaraan shacabka degaanadaas ay saameynta ku yeelatey dagaalada u dhexeeya labada maamul ee Puntland iyo Somaliland.

Dhinaca kale qaar ka tirsan siyaasiyiinta beelaha kasoo jeeda Somaliland kuwasoo xubno ka ah hay'adaha dowlada Federaalka ayaa qoraal ka kooban 5 qodob kaga hadlay sida ay u arkaan dagaalka u dhexeeya maamulka Hargeysa iyo Garoowe.

"Midinimada Soomaaliya waxay ka unkatay israacii Soomaaliya iyo Somaliland waxaanay ku soo noqon kartaa in la xoojiyo lana hirgaliyo wadahadalada u socda labada dhinac." ayay xubnahan ku bilaabeen warsaxafadeedkooda.

Siyaasiyiintaan ayaa maamulka Puntland ugu baaqey iney ka waantoobaan sheegashada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn islamarkaana joojiso colaada ay hurineyso.

Baaqa kasoo baxay xubnaha beelaha Somaliland kaga jira hay'adaha dowlada Federaalka ah ayaa xal ka gaarista coladaan saldhig uga dhigey in dib loo bilaabo wadahadalkii u dhexeeyey dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Hadalka labada dhinac ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Baydhabo ku shirsan yihiin maamul goboleedyada dalka iyo dowlada Federaalka kuwasoo la filayo in wadahadalkooda qayb ka yahay colaada ka dhex-taagan labadaan maamul.

Waa markii ugu horeysay ay siyaasiyiinta Somaliland iyo gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ku jira dowlada Soomaaliya si toos ah uga hadlaan colaada ka taagan goboladaan.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan madaxda sare " Madaxweyne iyo RW" ayaa si hoose uga hadlay colaada ka taagan labada maamul kuwasoo ku ekeeyey waxqbadkii laga filayey baaqyo nabadeed iyo codsiyo beesha caalamka ku waydiisanayaan iney soo dhex gasho xal u helista khilaafkaan..


HOOS KA AKHRI QORAALKII XUBNAHA SOMALILAND KAGA HADLEEN MOWQIFKOODA KU AADAN XAALADA TUKARAQ

War-Saxaafadeed

Anagoo ah xubnaha Golaha Wasiirada iyo Xubnaha labada aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Dowladda Federaalka Soomaliya ee kasoo jeeda Gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer ee Somaliland una taagan Midnimadda iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed waxaan aad uga xunnahay dagaalada kasoo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee Somaliland.

Waxaanu ku baaqaynaa qodobaddan soo socda:-

  1. Midinimada Soomaaliya waxay ka unkatay israacii Soomaaliya iyo Somaliland waxaanay ku soo noqon kartaa in la xoojiyo lana hirgaliyo wadahadalada u socda labada dhinac.

  2. Waxaanu ku baaqaynaa in la joojiyo colaadda iyo nacaybka lagu salaynaayo Isirka iyo qabyaaladda (Isirdoon Waa soomaalidiid).

  3. Waa in Puntland ka waantowdo sheegashada Gobolladaas, joojisana xadgudubka iyo Colaada ay hurinayso.

  4. In dadka Soomaaliyeed lagu mideeyo dib u heshiisiin, is afgarad iyo wada hadal.

  5. Waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyo Xabadda iyo Dhiigga daadanaaya, waxaanan ugu baaqaynaa Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka in laga shaqeeyo Nabada iyo Wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Magacayadda xubnaha soo saaray baaqan

  1. Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye), Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS.

  2. Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Shaqadda iyo Shaqaalaha JFS.

  3. Cabdalle Xaaji Cali Axmed, Wasiiru Dowlaha Qorshaynta iyo

    Maalgashiga JFS.

  4. Senator Muna Cumar Jaamac

  5. Senator Saciid Cabdi Xuseen

  6. Senator Cabdikarem Maxamed Xasan

  7. Senator Cabdirisaq Axmed Cali

  8. Senator Nuura Faarax Jaamac

  9. Xil Aamina Cumar Jaamac

  10. Xil Axmed Maxamed Jaamac (Cirro)

  11. Xil Huda Axmed Macalin

  12. Xil Suuri Diiriye Carab

  13. Xil Ismaaciil Cabdiraxman Sheikh Bashiir

  14. Xil Cabdilahi Cisman Ducaale

  15. Xil Muuse Siciid Jaamac

  16. Xil Faadumo Ismaaciil Gaani

  17. Xil Sahra Cabdiqadir Cabdiraxman

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM