Dad ku nafwaayey qarax ka dhacay magaaladda Beledwayne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shan ayaa lagu dilay, todoba waa dhaawac qarax miino oo ka dhacay albaabka garoon kubada cagta oo ku yaala magaaladda Beledwayne, gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qalcadda Laqanyo ayaa xilliga uu falkaas dhacayey waxaa ka socotay cayaar kubada cagta oo qeyb ka ah tartan loo qabtay naadiadda kala duwan ee ka dhisan magaaladaas.

Saraakiisha ammaanka HirShabelle ayaa dhacdadaas ku eedeeyay Al-Shabaab oo joogitaan badan ku leh degaanada hoos-yimaada gobolka isla markaana dhowr jeer ka fulisay ficilo amni darro.

Muuqaalo lagu faafiyey baraha bulshadda oo qaarkood uu arkay GO ayaa muujinaya in markii qaraxu dhacay ay dadweynaha kala carareen isla markaana uu hakad ku yimid kulankii socday.

Xalay ayay ahayd markii Al-Shabaab ay caasimada HirShabelle ee Jowhar ay ku dishay wasiirkii Beeraha ahaana mudane ka tirsan baarlamaanka maamulkaas, Cabduqaadir Abuukar Maxamuud.

Beledwayne oo uu webiga Shabeelle u kala qeybiyo Galbeed iyo Koonfur ayaa 210 KM dhanka waqooyi ka xigtaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo qaraxyadu ku badan yihiin mudooyinkii dambe.

Inta la xaqiijiyey 17 ruux ayaa ku geeriyootay, in ka badan 20 kalana waa ay ku waxyeeloobeen weerar toos ah iyo ismiidaamin Isniintii ay Al-Shabaab ku ekeysay Elite Hotel oo ku yaala xeebta Liido ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM