Dagaal dhimasho sababay oo ka dhacay Jubada Hoose [Fahfaahin]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyo kuwa Al-Shabaab ku dhex-maray deegaanka Muuse Xaaji oo hoos-yimaadda tuulada Baar-sanguuni ee gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka oo yimid kadib markii ciidanka xooga iyo daraawiista Jubbalad oo garab ka helaya kuwa Ajnabi ah howlgal qorsheysan ka fuliyeen halkaas, kaasoo sababay iska hor-imaad khasaaro dhaliyay.

Taliyaha Ururka 58aad ee ciidamada xooga dalka, Cabdi Fataax Ibraahim Maxamed ayaa sheegay in dagaalkaan ay ku dileen 10 kamid ah xoogaga AlShabaab, islamarkaana ay ku qabsadeen Saanad ciidan.

Wuxuu hadalkiisa ku daray inay ku qabteen dagaalkaan Sarkaal sarre oo Shabaab ah, kaasoo lagu magacaabo Cali Cabdullaahi Saadaq, isagoo ku daray inay kusoo bandhigeen Tuulada Baar-sanguuni, ee Jubada Hoose.

Ma uusan shaacin hadii uu jiro khasaaro dhankooda kasoo gaarey howlgalkaan ay ka fuliyaan Deegaanadda Muuse Xaaji, oo ku dhow Tuuladda Baar-sanguuni, ee uu ka aramiyo maamulka Jubbaland.

Al-Shabaab dhankooda wali wax war ah kama aysan soo saarin dagaalkaan la sheegay inay la galeen ciidamada xooga dalka, islamarkaana looga dilay Tobban Askari, loogana qabsaday Sanaad, Sarkaalna nolasho lagu qabtay.

Maalmihii udambeeyay taliska ciidanka xooga dalka, iyo kuwa Daraawiista Jubbaland ayaa gobolka ka waday howlgalo saf-balaaran ah oo Shabab looga xorreynayo deegaanada ay Jubbaland ka joogaan.

Tuulada Baar-sanguuni waxay xudun unoqotay marti-gelin qeybo kamid ah howlgaladaas, waxaana wali aysan soo hadal-qaadin ciidamada xooga dalka, hadii Gulufyada ay fuliyaan uu Shacab khasaaro kasoo gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal qodob ayaan ka qaadanay war-murtiyeedkii shirka Kismaayo

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay mar walba u taagan tahay dhegeysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 08:37AM

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM