Dagaal ka dhacay Afgooye iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidaamada dowlada ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo sababay khasaaro xoogan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen Rasaas xoogan oo ay is-dhaafsanayeen labadda dhinac, islamarkaana dagaalka uu socday wax ka badan Hal saac, inkastoo uu xili dambe oo xalay ah si iskiisa ah u istaagay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka ay ugu geysteen ciidanka dowlada khasaaro xoog leh, laakiin waxaa warkaas geeshaanka ku dhuftay maamulka degmada iyo kan gobolka.

Taliyaha Booliska degmada Afgooye Cabdiqaadir Cusmaan Mursal ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in ciidamada ay iska difaaceen weerarka Shabaab, islamarkaana ay gaarsiiyeen Jug xooggan.

“Xalay Saqdii dhexe ayey na soo weerareen, ciidamaduna waxay ahaayeen kuwa u diyaarsan weerarka. Waan iska difaacnay, waxaana jira khasaaro labadda dhinac, laakiin dib ayaan kasoo sheegi doonaa,” ayuu Taliye Mursal ku daray hadalkiisa.

Weerarkaan ay Al-Shabaab ku qaadey Degmadda Afgooye ayaa qeyb ka ah weeraro taxano ah oo intii bishan Ramada billaabatey ay ku qaadeysay fariisamaha Ciidamada dowladda.

Mudooyinkii u dambeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan degmada Afgooye waxay wadeen howlgalo ay ku sugayaan amaanka, iyagoo Gaaf-wareegayey xaafadaha kala duwan ee magaaalada 30KM u jira Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka Oo Ka Hadlay Sababta Loo Diiday Gelitaanka Garsoore Soomaaliyeed Omar Artan

Afhayeen u hadlay Hay’adda Kastamyada iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka (CBP) …

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:12AM

Diidmada Gelitaanka Mareykanka Ee Garsoore Omar Artan Oo Caro Ballaaran Abuurtay

Toddobaadkii hore ayay FIFA sheegtay in arrinta fiisaha Omar Artan si buuxda loo…

  • Soomaliya

    08-06-2026

  • 07:18PM