Wararka aan ka helayno gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegay in halkaasi ku dagaallameen mallayshiyaad katirsan Shabaab iyo ciidamada Kenya ee nabad ilaalinta u jooga Somalia.
Dagaalka, ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Dhoobley iyo Taabto, waxaana isku dhacaasi yimi kadib markii mallayshiyada Shabaab jidka u gashay gaadiid kolonyo ah oo goobtaasi marayay.
Majirto ilaa hadda khasaaro la soo sheegayo, balse Kenya ayaa beenisay in ceedankooda jidka loo galay islamarkaana dagaal qabsaday.
Afhayeenka milatariga Kenya, korneel David Oboyo, ayuu sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in ciidamada Kenya lagu weeraray Dhoobley.
Maaha markii ugu horaysay ee dagaal dhexmaro labada dhinac.
GAROWEONLINE
