DF oo Heshiis ula gashay Shirkad ajnabi labo arrimood dartood

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Soomaaliya ayaa waxay heshiis la gashay shirkad ajnabi ah oo lagu magacaabo Sonoran Policy Group [SPG], oo fadhigeedu tahay gobolka Arizona ee dalka Mareykanka.

Heshiiskaan oo ay xukuumadda Soomaaliya ku bixineyso $400,000 [Afar boqol oo kun oo dollar] ayaa waxaa uu ujeedku yahay in ay shirkadda ka caawiso Soomaaliya sidii dib loogu soo celin lahaa dhaqaalaha Mareykanka siiyo Milatariga dalka.

Mareykanka ayaa mar sii horeysay xanibaad gaar ah saarey lacagta uu ku bixiyo soo kabashada Milatariga Soomaaliya, taasoo ka dambeysay markii musuq-maasuq baahsan lagu soo eedeeyay qaabka loo bixiyo lacagaha la siiyo ciidamada Qaranka.

Shirkadda ayaa wada-xaajoodyo la geli doonta maamulka Trump si dib loogu bilaabo lacagaha la siiyo Milatariga Soomaaliya, kaasoo haatan ku jiro mar-xalad dib udhis ah, dowladda hadda jirtana ay awoodi wayday inay bixiso qarashaadka ku baxaya.

Ujeedka kale ee heshiiska shirkaddaan arrimaha sharciga ka shaqaysa ayaa ah inay xusul duub u gasho, kana shaqaynta sidii Soomaaliya looga saari lahaa liiska dalalka Muslim-ka ah ee uu maamulka Trump kusoo rogay xanibaada dhanka socdaalka ah.

Shirakadda ayaa qaabilsan kal-bixinta xiriirada diblumaasiysadeed ee caalamiga ah, iyadoo dalalka dib u dhigay dagaallada kala shaqeysa inay dib usoo celiyaan cilaaqaadka dibadda.

Heshiiska oo dhacay 1-dii bishan August, waxaana labada dhan u kala saxiixay Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan iyo Agaasimaha Guud ee Shirkadda Sanoran Policy Group (SPG), Christian Bourge. 

Washington ayaa horey u sheegay in dalalkaan ay ka jiraan xaalado dhanka amaanka ah, waxaana bishii hore Maxkamada sare ee dalkaas Mareykanka ay ayiday go'aanka Madaxwayne Trump, taasoo walaaca kusii kordhisay shacabka Soomaaliyeed.

Sida laga soo xigtay heshiiska, SPG ayaa lacag dhan 100,000 oo dollar ku qaadan doonta bil walba inta ay wado dadaaladeeda, xili wadar ahaan lagula heshiiyay inay ku qaadato qandaraaskaan 400-kun lacagta Mareykanka ah.

"Shirkadu ayaa sidoo kale fududayneysaa safar uu Madaxwaynaha Soomaaliya [Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo] ku tago dalka Mareykanka," sida uu sheegayo heshiiskaan, kaasoo nuqul kamid ah uu arkay Warsidaha Garowe Online.

Talabadaan ay heshiiska kula gashay DFS shirkada Mareykanka laga leeyahay ayaa imaanaysa xilli maamulka Farmaajo ay raadinayaa dal u buuxiya kaalintii Imaaraadka ka qaadanayay dib udhiska ciidamada Qaranka, taasoo haatan banaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Dowladda oo howlgallo ka fuliyay aagga degmada Xarardheere

Howlgallada ayaa lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda AS.

  • Soomaliya

    18-03-2024

  • 05:15PM

Diyaaradda Egypt Air oo Duullimaad ka bilaabeysa Muqdisho

Egypt Air ayaa wafdi usoo dirtay Muqdisho si ay qiimeyn u sameeyaan.

  • Soomaliya

    18-03-2024

  • 02:28PM