Mid kamid ah aas-aasayaashii Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyey in duqeyn ay 2-dii bishaan ka fuliyeen degaanka Bush Mariina ee gobolka Baay ay ku dileen Yuusuf Jiis, mid kamid ah aas-aaseyaashii kooxda.

Dhanka kale, Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa xaqiijiyey in howlgal wadajir ah oo dhanka cirka ah ay ka fuliyeen Jilib, fariisinka ugu weyn ee dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida.

War-saxaafadeed kala duwan oo Muqdisho iyo Washington ay soo saareen waxay ku sheegeen in duqeyntaas oo la fuliyey saqdii dhexe ee xalay ay ku dileen shan dagaalame.

Balse ma aysan kala caddeyn xilalka ay hayeen xubnahaas iyo hadii ay ku jiraan saraakiil sarre oo ururka kamid ahaa.

Bayaanka ayaa meesha ka saarey in dad shacab ay waxyeelo kasoo gaartay howlgalkaas, wallow ay jiraan warbixino tilmaamaya in lix qof oo rayid ah ay ku dhinteen howlgalkaas.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeynta oo illaa iyo haatan kasoo baxday dhanka kooxda Al-Shabaab.

Baraha internet-ka iyo idaacadaha taageera mowjadaha gaaban ee maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa buunbuuninaya sheegashooyinka la xiriira waxyeelada dadka shacabka ah.

Maalmihii u dambeeyay milatariga Mareykanka ayaa wuxuu sarre u qaadey duqeymaha dhanka cirka ee uu ku bartilmaameedsanayo xubnaha Al-Shabaab. Dhacdooyinka waxaa laga soo wariyey Jubooyinka iyo Baay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xarigga Ugbaad Aragsan, aargoosi Siyaasadeed mise ka hortag dhaqan xumo?

Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugbaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd..

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 06:23AM

Xasan Sheekh oo gudoomiyay Shirka Amniga Gobolka Benaadir xilli uu walaac jiro

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 12:02PM