DF Soomaaliya oo "dabagal ku haysa" ajaaniib laga baarey Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dabagal joogta ah ku hayso xaalada ajaaniib dalka soo gashay kuwaasoo laga baarey cudurka Caronavirus balse la xaqiijiyey in aysan qabin.

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah oo bayaan kasoo saartey xanuunkaan dilaaga ah ayaanan daaha ka rogin sababta dhabta ah ee ka dambeysa korjoogeynta shaqsiyaadkaas.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda ayaa sidoo kale waxaanan lagu caddeynin jinsiyadaha dadkaas. Cudurkaan waxaa uu kasoo bilowday magaalada Wuhan ee waddanka Shiinaha.

Hadalka wasaaradda ayaa imaanaya iyadoo muddooyinkii dambe la hadalhayey in uu Muqdisho yimid shaqsi la xusay in uu Soomaali yahay kaasoo ka yimid magaalada Wuhan, balse la hubiyey in uusan ku dhicin cudurka.

Hoos ka akhriso wasaarada

Waaaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxa si dhow ula socotaa xaaladaha cudurka Cronavirus ee dunida waxayna sidoo kale odorostaa faafidda cudurka, la socodka xaaladaha iyo ka warqabka isku gooshka dadwaynahaya ku nool dalalka uu saameeyay cudurkaani.

Wasaaradda Caafimaadku waxay u xilsaartay guddi si joogta ah uga shaqeeyo arrimaha la xiriira cudurka Cronavirus, waxayna xiriir joogto ah oo rasmi ah la leeyihiin dhamaan hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh caafimaadka iyo isku-gooshka, sidoo kale waxaa joogto ah xiriirka wada shaqayn ee laamaha socdaalka, shirkadaha diyaaradaha iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh isu socodka iyo isku-gooshka dadwaynaha.

Heerarka kala duwan ee Wasaaradaha Caafimaadka (Federaal & Maamul Goboleed) waxay heegan buuxda galiyeen shaqaalahooda xarumaha dalka laga soo galo iyadoo ruux walba uu musaafir ah uu marayo baarista asaasiga ah ee lagu hubinaayo xaaladiisa caafimaad sidoo kale la xaqiijinaayo socdaalka iyo goobaha uu soo maray.

Wasaarada Caafimaadka Federaalka Soomaliya waxay xaqiijinaysaa in aysan jirin ilaa iyo haatan qatar la xiriirta cudurka mana jirto qof isagoo aan soo marin hab raacyada lagu hubiyo cudurka ama laga shakisan yahay oo dalka soo galay.

Muwaadiniinta iyo ajaanibta la xaqiijiyey inay ka badqabaan cudurka ee soo galay dalka waxay Wasaarada Caafimaadka la socotaa xaaladohooda waxayna marisay hab raaca diiwan galinta iyo xaqiijinta faya qabkooda.

Wasaarada Caafimaadka waxay ku boorinaysaa dhamaan war baahinta dalka iyo kuwa caalamiga ahba inaan la faafin war bixinada xasaasiga ah ee la xiriira cudurkan oo aan la abuurin walaac aan jirin.

Waxaan ku adkeeynaynaa dhamaan warbaahinta iyo dadweynahaba in warbixinta cudurka cronovirus aan laga qaadin meel aan Wasaarada Caafimaadka ahayn.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM