DF Soomaaliya oo eedeyn la xiriira dacwadda badda u jeedisay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ku eedeysay dhigeeda Kenya in ay raadineyso marmarsiyo mar kale dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda badda, sidda ay qortay warbaahinta maxaliga ah.

Bogga Kenyans.com ayaa wariyey in xukuumadda Nairobi ay codsigeeda ku saleysay xaaladda caafimaad ee ka dhalatay Coronavirus. Qareenada Kenya waxay cuskadeen in shaqooqada uu saameeyay Covid-19.

Sidda ku xusan warbixinta, xukuumadda Muqdisho oo ganafka ku dhufatay codsiga ayaa ku adkeystay in dhageysiga dacwadda lagu qabto hanaanka casriga ah ee maqal iyo muuqaalka aysana ogoleyn dib-u-dhac kale.

Bishii November ee 2019 ayay ahayd markii ICJ ay ogolaatay dalab ka yimid Kenya oo ku saabsanaa in la baajiyo dhageysiga. Waqtigaas, xeer-beegtada waxay muddeysay bisha June ee sanadkan aynu ku jirno 2020.

Dacwadda badda ee u dhaxeysa dalalka deriska ah ayaa ku saabsan goob hodan ku ah kheyraad dabiici ah kuna taala xuudka dhanka badda.

Tan iyo markii Soomaaliya ay dacwadda gudbisay bishii August, 2014-kii, Kenya ayaa ku doodeysay in muranka lagu dhameeyo wadaxaajood.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kasoo horjeesatay soo jeedintaas ayaanan dabcin mowqifkeeda in lagu kala baxo hanaanka cadaaladda.

Xukunka ay ICJ ku ridi doonto gal-dacwadeedkan ayaa ah mid aan rafcaan lahayn, waxaana waddankii labinta laga hela uu muteysan doonaa ganaax lacageed oo uu ku bixin doono muddo cayimin oo maxkamadda u qabaneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM