DF Soomaaliya oo loo diray baaq la xiriira doorashooyinka iyo amniga

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shirkii afartii maalmood ee lasoo dhaafay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho uga socday Beelweynta Mudulood kana qeybgaleen 5,000 ergo ah ayaa Khamiista maanta ah lasoo afjray.

War-murtiyeed diiradda lagu saarey xaaladda waddanka ayaa laga soo saarey, kaasoo looga hadlay amniga, siyaasada iyo doorashadda.

Degaanada ay degto ayay ku baaqdey in laga xoreeyo Al-Shabaab, waxaana ay ka digtay in aan dalka lasoo gelin karin ciidamo shisheeye oo aan haysan sharciyad, iyadoo farta ku fiiqdey "xadgudubyo jira".

Xilli ay soo dhaweeyeen go'aanka la isku khilaafay ee Golaha Shacabka kasoo saarey metelaada gobolka Banaadir ah, waxay codsatay in loo dhameystiro hanaanka sharciyeed ee ka haray maqaamka Muqdisho.

"Golaha Horumarinata Danaha Mudulood" oo lagu yagleelay shirkaan ayaa loo xilsaarey "dabagalka" qadiyadaan iyo shirar qabsoomaya.

Dowladda ayay ugu baaqeen in ay waqtigooda ku qabato doorashooyinka 2020-21, waxaana ay ka digeen muddo kororsi "oo sababaeysa qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuur, taasoo dhaawaceysa dowladnimada".

Maamuladda, dowladda federaalka iyo xisbiyadda siyaasadda ayay ku booriyeen in ay u turaan shacabka isla markaana ilaaliyaan shuruucda.

Coddeynta soo aadan oo qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod ayaa mugdi galay maadaama xukuumadda aysan u diyaar-garoobin isla markaana ay ka cagajiideyso in ay kala heshiiso saamileyda iyo maamulada.

Ugu dambeyntii, bayaanka ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dhamaan colaad-beeleedyadda ka aloolsan qaybo kamid ah degaanadda ay degto beesha isla markaana nabadeyn lagu dhameeyo xaalada dhaliyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM