​DFS oo taageertay xilka qaadistii la sheegay in lagu sameeyay Xaaf

Image

MUQDISHU, Somalia- Warqad kasoo baxday wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Somalia, ayaa looga hadlay khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex aloosan mas’uuliyiinta ugu saraysa maamulka Galmudug.

Qoraalkan uu soo saaray wasiir dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia, Cabdullaahi Weheliye oo ka kooban Afar qodob ayaa lagu muujiyay in dowladda dhexe taageersantahay tallaabada Xildhibaanada Galmudug la sheegay inay kalsoonida kala noqdeen Madaxweyne Xaaf.

Sidoo kale warqadda ayaa tilmaamaysa in DFS ka walaacsantahay tallaabada lagu xayiray Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Barlamanka iyo ku-xigeenkiisa labaad, waxayna ku baaqday in loo soo celiyo xoriyadooda.

Waxaa xusid mudan in warqadan aan lagu muujin cidda soo saartay iyo saxiix intaba, balse loo adeegsaday magaca guud ee wasaaradda iyo emailkeeda.

Saraakiil katirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaase cadeeyay in qoraalkan uu iska leeyahay wasiir Weheliye.

Tallaabadan ayaa timid xilli wasiir Juxa uu ka maqanyahay dalka isagoo ku sugan waddanka Kenya gaar ahaan Nairobi sida ay xusayaan warar uu helayo Garowe Online.

Go’aanka dowlada Federaalka Somaliya ee ku aadan khilaafka u dhexeeya madaxda maamulka Galmudug ayaa noqonaya mid ugub ah (unprecedented) oo dowladu faragalin toos ah ku soo sameeyso arimaha gudaha mid kamid ah  maamul goboleedyada dalka ka jira.

Dhinaca kale Xildhibaan Fiqi oo kamid ah mudanayaasha Barlamanka Somalia ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in arrinta wasiir dowlaha ay bur-bur hor leh u horseedi karto waddanka, isagoo intaas ku daray in wasiir fadhiya Xamar uusan ka hadli karin masiirka Galmudug.

Wuxuu sidoo kale xusay in go’aankan wax u dhimayso haykalka dowladnimo iyo kala dambaynta shaqada isagoo mas’uulkan ku dhaliilay inuu had iyo jeer uu baalmaro shaqadiisa.

Dhawaan ayay ahayd markii wasiir dowlaha uu ka hor yimid shaqo fariisin uu xoghayaha wasaaradda ku sameeyay Wasiir Juxa, taasoo markii dambe khilaafkii arrintaas ka dhashay uu gaaray madaxda ugu saraysa dowladda Somalia.

Tallaabadan ayaa dab kusii shiday tuhunka mas’uuliyiinta Galmudug ka qabtay dowladda dhexe, waxaana Madaxweyne Xaaf oo arrintaas goor sii horaysay ka hadlayay uu beeniyay in xilka qaadis lagu sameeyay isagoo dhinaca kale dowladda dhexe ku dhaliilay inay qayb ka tahay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug. Halkaan ka dhageyso 

Laakiin Guddoomiyaha Barlamanka Galmudug ayaa ku doodaya in arrintaas sharci tahay Xildhibaanaduna awood u leeyihiin inay kalsoonida kala noqon karaan Madaxweynaha hadii uu kasoo bixi waayo shaqooyinkii loo igmaday. Halkaan ka dhageyso 

Khilaafkan ayaa cirka isku sii shareeray, waxaana hadda socda dadaalo ay wadaan Xildhibaanada DFS ee ku jira Labada Aqal kuwaasoo maanta soo gaaray magaalada Cadaado.

Xildhibaanda ayaa la kulmay dhinacyada is haya inkastoo aysan wali soo bixin natiijo ku aadan in xal laga gaaray khilaafkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM