​Xaaf oo ka hadlay Xilka qaadistiisa [Dhageyso]

Image

CADAADO, Somaaliya - Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa ka hadlay Xilka qaadistii shalay ay ku sameeyeen Xildhibaanno katirsan maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in sida uu qabo Dastuurka Galmudug, Madaxweyne aan xilka laga qaadi karin isagoo Xafiiska jooga wax ka yar Mudo Lix bilood ah.

Wuxuu intaasi ku daray in xilka ka qaadist la sheegay in lagu sameeyay ay tahay Fowdo Siyaasadeed, oo laga dhex-abuurayo maamulka Galmudug, taasi oo laga soo abaabulay sida uu sheegay Muqdisho.

Xaaf ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Cali Cagal Casir, in laga soo diray Muqdisho, si uu u sameeyay wixii ka dhacay HirShabeelle, ee Xildhibaanada xilka uga qaadeen Cali Cabdullaahi Cosoble.

"Waxa shiray waxay ahaayeen 10 Xildhibaan, oo Xaafad ku kulmay, awood Dastuuri ah uma lahan inay xilka iga qaadaan," ayuu yiri Xaaf.

Lama oga sharciyada go'aanka Xildhibaanada waxaa uu noqon doono, maadaama Gudoomiyihii Baarlamaanka uu xabsi guri ku jiro, sidoo kalena Madaxweyne Xaaf sheegay isagoo aan gaarin mudada xil-heyntiisa Lix bilood.

Waxa uu rajo ka muujiyay xil laga gaaro Khilaafka ka taagan Galmudug, oo uu tilmaamay in Xildhibaano ka socda Baarlamaanka Somaaliya ay kusoo wahaan yihiin Cadaado, si xiisad taagan loo demiyo.

Hadalka Xaaf ayaa kusoo beegmaya, xilli shalay 52 Xildhibaan oo ku shiray Cadaado ay shaaciyeen inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha, oo ay ku eedeeyeen inuu hareer maray Dastuurka mamaulkaasi.

Galmudug Khilaafkeeda ayaa salka ku haya go'aankii Xaaf uu dhawaan kula saftay Xulufada Sacuudiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM