Dhuusomareeb: shan wariye oo dib xoriyaddooda u helay

Image

August 3, 2015 (GO)- Shan wariye oo muddo 48 saacadood ah ku xirnaa degmada Dhuusomareeb ayaa xalay damiin lagu sii daayey.

Wariyeyaashan oo wakiillo u ah idaacado iyo telefishino isugu jira maxalli iyo caalami, waxaa xabsiga dhigay saraakiisha Ahlu Sunna, kadib markii lagu soo eedeeyey inay tebiyaan war been abuur ah oo ku saabsan in degmada Dhuusomareeb lagu qabtay dibadbax lagu taageerayo maamulka Galmudug.

Shanta wariye waxaa lagu kala magacaabaa: Maxamed Deeq Cabdi Maxamed, Bashiir Sanka, Cabdi Jamaal Macalin Axmed, C/laahi Warsam Rooble,  Nafiso Xersi Oogle, Leylo Nuur Cilmi.

Nafiso Oogle oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in mid kamid ah wariyeyaasha la xiray uu xabsiga dhexdiisa ku xanuunsaday balse hadda xaaladiisu wanaagsan tahay.

Ku dhowaad toban wariye aya saddexdii bilood ee ugu dambeeyey lagu xirxiray isla degmada Dhuusomareeb, arrintaas oo ururada xuquuqda warbaahinta u ololeeyaa si weyn u cambaareeyeen.

Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa sidoo kale warbaahinta deegaanada ay maamulaan ka hawlgasha waxay ku amreen inaysan tebin karin wararka ku saabsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ee dhowaanta degmada Cadaado lagu dhisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laftagareen oo Ciidamada Midowga Afrika Uga Digay Inay Weeraraan Saldhigyadiisa

Wuxuu ugu baaqay AUSSOM inay si taxaddar leh u qiimeyso xog kasta oo la xiriirta xaaladda gobolka.

  • Soomaliya

    29-08-2026

  • 07:01AM

Uganda oo ku dhawaaqday inay Ciidamadeeda Soomaaliya kala baxayso 2027

Si kastaba, weli ma cadda in taariikhda uu ku dhawaaqay Kainerugaba ay tahay go’aan rasmi ah oo ay ansixisay dowladda Uganda iyo in kale.

  • Soomaliya

    29-08-2026

  • 06:35AM