Dib u dhac ku yimid magacaabista Wasiirada DFS, sababtu maxay tahay?

Image

Jan 5, 215 (GO)- Wararka laga helayo halka uu marayo dhismaha golaha wasiirada dowlada Federalka ayaa sheegaya in Ra'isal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid ka biyo diidan yahay magacaabista shaqsiyaad ka tirsanaan jirey xukuumadihii Cabdiweli Shiikh Axmad iyo Cabdi Farax Shirdoon.

Sida Garowe Online xog hoose ku heshay, kala aragti duwanaan arintaas la xiriirta iyo khilaaf aan buurneyn ayaa soo kala dhex galay labada mas'uul ee ugu sarreeya Dowalda Federaalka, waxaana wararka Villa Somalia laga helayaa tibaaxayaan in Ra'isal Wasaaruhu wel-wel ka muujiyey magacaabista ku-simaha Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane iyo Fowziyo Xaaji Adan oo horey u ahaan jirtey Wasiirka arrimaha dibadda.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa wararku sheegayaan inuu ku adkeysanayo magacaabista xubnahaan kuwaasoo horey uu balanqaadyo ugu sameeyey markii xilka laga qaadayey Ra'isal wasaarihii hore ee Cabdiweli Shiikh Axmad.

Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa musharax xilka Ra'isal wasaaraha ayaa kaalin weyn ka qaatey qorshihii xilka looga qaaday Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia, waxaana dabada ka riixayey magacaabistiisa shaqsiyaad aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Shiikh.

Dhinaca kale booqashadii Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ku tagey waxyar kadib markii xilka loo magacaabey Cumar Cabdirashiid magaalada Kismayo ayaa waxaa balanqaad xoogan uu kasoo qaadey madaxda Jubaland in Xuseen Xalane kamid noqonayo golaha Wasiirada madaama aan xilka Wasiirka Kowaad loo magacaabin.

Ku-simaha Wasiirka Maaliyada Xuseen Xalane ayaa sidoo kale waxaa ka biyo diidan  inuu kamid noqdo golaha wasiirada ee cusub beesha caalamka madaama uu ka qayb qaatey dhexgalkii lagu sameeyey xildhibaanada Barlamanka dowlada Federaalka Somalia dabadana ka riixayey mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'isal wasarihii hore.

Fowziyo Xaaji Aadan oo iyadu qudareyneysa iney kamid noqoto golaha Wasiirada ee cusub madaama gacansaar dhow leeyihiin Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh ayaa waxaa loo haystaa ceebtii ka dhacdey Bangiga dhexe ee Somalia iyadoo warbixin sanadkii lasoo dhaafey kasoo baxdey Qaramada Midoobey lagu eedeeyey iney qayb ka aheyd musuq-maasuq la doonayey in lagu dhaco hantida qaranka Somalia ee dibada taala.

Warsidaha Garowe Online ayaa dhinaca kale ogaadey in magacaabista golaha Wasiirka intooda kale uusan muran ka tagneyn la iskuna af-gartey iyadoo dhowaan la filayo in la magacabo kana soo muuqan doonaaan Wasiiro horey isu casiley iyo kuwo qayb ka ahaa khilaafkii hareeyey Xukuumadii Ra'isal wasaare Cabdiweli iyo Madaxweyne Xasan Shiikh.

Kala soco GO wararka la xiriira magacaabista Golaha Wasaiirada iyo siyaasada ku wareegsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay madaxda maamulada xilli ay xiisad jirto

Casuumaadan ayaa imaanaysa saacado kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maamulada soo saarayaan bayaan wadajir ah.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 04:28AM

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Salah Jama ayaa goobjoog ahaa munaasabadan.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 12:07PM