Diiwaan-galinta murashaxiinta Jubbaland oo ka socota Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta oo Sabti ah qaatay warqada is diiwaan galinta musharaxnimada doorashadda Jubbaland ee loo balansan yahay bisha dambe.

Intaasi kadib, Axmed Madoobe oo warbaahinta ka hadlay ayaa ka jawaabay eedeyn uga timid murashaxiinta qaarkood oo ku aadan magacaabida Guddiga Doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa wuxuu ku adkeystay in uu maray "hanaanka sharciga ah ee looga baahan yahay in ay qaadan dadka u tartamaya xilka madaxweynaha".

Musharaxiinta kale ayuu ku booriyey in ay wadadaas maraan oo aanay bulshada ku abuurin "hadalo nacayb iyo fowdo abuuraya taas oo aan waxba u soo kordhin doonin".

Siyaasyiinta u taagan jagada ugu sareysa maamulkan ayaa ku eedeeyay Axmed Madoobe in uu magacaabay Guddi isaga danihiisa ka shaqeynaya, wallow uu dhinaca isaga leexiyay.

"Dastuurka dowlad goboleedka Jubbaland baa ii oglaanaya in aan soo magacaabo guddiga, waxayna kamid tahay awoodaha uu isiinayo," ayaa laga soo xigtay madaxweynaha.

Axmed Madoobe oo xafiiska jooga tan iyo 2013-kii uuna damac uga jiro in uu mar saddexaad xilka qabto ayaa noqonaya murashaxii ugu horeeyay ee uu si rasmi ah loosoo bandhigay diiwaan-gelintiisa.

Xukuumadda Federaalka ah ayaa horey u soo bandhigtay habraac ay tahay in loo maro doorashadda iyo goobta lagu qabanayo balse maamulka Kismaayo waa uu ka biyo diiday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM