Maxaa sababay shilka diyaaradeed ee ka dhacay garoonka Beledwayne?

Image
Image

BELEDWAYNE, HirShabelle - Diyaarad xamuul ah una kireysneyd Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu waramay in ay ku burburtay garoonka diyaaradaha Beledwayne, bartamaha wadanka Soomaaliya.

Illaa haatan, lama ogga waxa sababay burburka iyo khasaaraha ka dhashay, balse, sawirro laga soo qaadey goobta ay wax ka dhaceen waxay muujinayaan burbur iyo dab qabsaday diyaarada.

Warar horudhac ah ayaa tilaamaya in diyaarada ay shixnad u waday ciidanka Jabuuti ee AMISOM ka tirsan. Goobjoogeyaal kala duwan waxay sheegeen in ay burburtay kadib markii ay soo degtay.

Fahfaahinada qaar ayaa sheegaya in sababta shilka dhalisay ay tahay in markii ay soo degtay uu mid kamid ah baalasheeda ku dhacay Jaay, taasna ay ku qasabtay in ay dhabaha ka baxdo.

Warbixino kale ayaa xusaya in sababta keentay burburka diyaaradda ay tahay markii duuliyaha uu xawaaraha ka batay isla markaana uu dhaafay dhabaha cago-dhigashadda.

Muuqaalo lagu duubay telefoonka gacanta oo uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa muujiyey in dabka uu kusii fiday qaybo kamid ah garoonka Ugaas Khaliif ee xarunta gobolka Hiiraan.

Mas'uuliyiinta garoonka ayaa GO u xaqiijiyey in shilka uusan geysan khasaaro nafeed isla markaana ay ka badbaadeen saddex ruux oo la socotay - duuliyaha iyo laba caawiye oo wehlisay.

"Saddexdooda waxay kasoo boodeen diyaaradda kahor inta uusan dabka wada gaarin," ayuu yiri qof goobjooge ah oo sabab la xiriirta ammaankiisa uga gaabsaday magaciisa.

Garoonka diyaaradaha Beledwayne oo ah nooca macmalka ee Jaayga ka sameysan waxaa maamula ciidamadda Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Diyaarada burburtay oo ku diiwaan-gishan lamberka tirsigiisu yahay 5Y-VVU ayaa la sheegay in ay leedahay shirkadda Bluebird Aviation oo fadhigeedu yahay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM