Doon ka baxsatey Ceel-huur

Image

28 August, 2015 (GO)-Doon laga leeyahay dalka Iran ayaa lagu soo waramayaa inay ka baxsatey gacanta Burcad-Badeed Somali ah oo ku sugnaa deegaanka Ceel-huur oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya inay shalay doontani baxsatey, waxaana saarnaa Afar qof oo Somalia ah iyo 16 bad-maax u dhashay dalka Iran.

Si rasmi ah looma oga qaabka doonidu u baxsatay, balse warar ayaa sheegaya in badmaaxiintu ay ka xoog bateen 4 burcad-badeed doonidaasi haystay. 

Cabdullahi Maxamuud oo ku sugan Hobyo ayaa idaacadda  VOA-da u xaqiijiyay dhacdadan, waxaana uu tilmaamey in doontan ay ka mid ahayd 2 doonyood oo laga lee yahay dalka Iran iyo dad gaarayey 36 qof oo gacanta ugu jiray burcad badeedda Somali ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM