Dowladda Soomaaliya oo jawaab culus u dirtay Kenya [Akhriso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya ayaa looga hadlay go’aankii kasoo baxay xukuumada Kenya, kaasi oo sababay xiisad diblomaasiyadeed oo cirka isku sii shareeraysa.

Kenya ayaa shalay oo Sabti ahayd wadankeeda ka dalbatey inuu ka baxo danjirihii Soomaaliya u joogay Nairobi, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, iyadoo dib ugu yeertay safiirkeeda Lucas Tumbo si ay xaaladda taagan ugala tashato.

Ugu horeyntii, qoraalka wasaarada ayaa lagu dhaleeceeyay sida ay Kenya ula dhaqantay danjire Tarsan, kaasi oo barqinimada maanta kasoo degay madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Bayaanka oo lasoo gaarsiiyay GO ayaa lagu beeniyay warka kasoo yeeray Kenya ee ahaa in shirka todobaadkii hore lagu qabtay London lagu soo bandhigay shidaal ku jira goobta ay ku muransan yihiin, lana xaraashayo.

Sida ku cad war-saxaafadeedka, qariirada lagu soo bandhigay shirkaasi oo ay soo agaasintay Shirkada Spectrum ee laga leeyahay Mareykanka waxa uu kaliya ku kooban yahay biyaha Soomaaliya.

DFS ayaa ku tartarsiiyay dhigeeda Kenya in aanu howlo hal dhinac ah ka fulin karin goobtaasi inta maxkamada cadaalada aduunka go’aan soo saareyso halkaasi oo kiiska muran badeedka loogu kala dab-qaadayo.

“Waxaynu ku kalsoonahay xaqnimada dacwadda aanu u gudbinay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxaanu aaminsan nahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Jawaabta ay kasoo baxday xukuumada Muqdisho oo ay ka muuqato feejignaan iyo taxadar badan ayaa imaaneysa kadib kulamo xasaasi ah oo saacadihii lasoo dhaafay Villa Soomaaliya uga socday madaxda qaranka.

QORAALKA OO ENGLISH KU QORAN:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM