Dowladda Soomaaliya oo lagu dhaliilay hanaanka dib u dhiska Ciidanka

Image

BRUSSELS- Dalalka Beesha caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay dedejiso dib u dhiska loogu sameynayo Ciidamada qaranka, lagana dhigo kuwa dalka ka saari kara Al-Shabaab.

War Saxaafadeed ay si wadajir ah uga soo saareen Deeq-bixiyaasha Shirka Brussels ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay xaliso dhibaatooyinkii lagu sheegay warbixintii 2017-ka.

Warbixinta 2017 ayaa loogu yeeray Ciidamada Qaranka Soomaaliya [SNA] Ciidan jilicsan, oo hogaankooda iyo maamulkooda uu aad u liito, waxaana warbixintaan lagu soo beegay xilli AMISOM isku diyaarinayso inay dalka ka baxdo 2020.

AMISOM ayaa qorsheynaysa inay mas’uuliyadda amaanka dalka ku wareejiso Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo hadda wali aan la diyaarin, oo maamullada Ciidankooda lagu sameynin isku-dhaf.

Dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya ayaa billaabey December 2017 inay la baxaan Askartooda ku howlgalaga magaca AMISOM, waxaana la qaaday 1,000 Askari, iyadoo sanadkana la qaadayo cutubyo kale.

Deeq-bixiyaasha ayaa sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya waajib ku tahay inay wax ka qabato musuq-maasuq siyaasadeysan ee lagu sameyo lacagaha loogu tala-galay Ciidanka qaranka.

Ciidamada qaranka Soomaaliya [SNA] ayaa lacag bixiyaasha beesha caalamka ka dalbadeen in la sameeyo tirakoob rasmiya 'biometric' si loo saxo nidaamka mushahar bixintooda.

Xukuumada Ra'isal wasaare Khayre ayaa ka gaabisay iney si rasmiya ugu shaqeyso hirgalinta siyaasadaha lagu dhisayo ciidan qaran ee uu yeesho dalka Soomaaliya. Wasaarada Gashaandhiga ayaa muddo sanad gudaheed ah iska casiley wasiirkii labaad kuwasoo shaqada uga tagey arimo la xiriira deganaansha la'aanta siyaasadeed ee ku xeeran xukuumada uu hogaamiyo Ra'isal wasare Khayre.

“Kalsooni badan”

Hay’adda Lacagta Adduunka [IMF] ayaa gadaal ka riixaysa isbedel lagu sameeyo hanaanka maamulka dhaqaalaha dowladda Soomaaliya, oo la sheegay in musuq-maasuq uu jilbaha dhulka u dhigay.

IMF ayaa sheegtay in dowladda ay hergelisay isbedel cusub oo dhinaca maaliyadda ah, iyadoo abuurtay barnaamij lagula soconayo shaqaalaha hay’adaha dowladda [staff-monitored program].

Xukuumadda Federaalka waxay sidoo kale sameysay Akoon maaliyadeed oo looga hortagayo xatooyada dakhliga usoo xarooda dowladda, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.

Wasiirka wasaaradda maaliyada Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle

Wasiirka ayaa tilmamay in Wasaaradda ay hadda canshuuro ka qaado Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho, shirkadaha Isgaarsiinta gaarka loo leeyahay, iyadoo gobaha ganacsiga ka qaada canshuurta [VAT].

Beyle ayaa xusay in Dakhliga dowladda Federaalka uu afar jibaarmay tan iyo 2012.

IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii isbedelka taas oo horseedi karta in dalkan ku yaalla geeska Africa ee colaadu la degeen inuu iska bixiyo deynta lagu leeyahay oo gaaraysa 6 billion oo Dollar.

“Waxaan diyaar u nahay isla xisaabtan. IMF waxay awood u leedahay inay hubiso nidaamkeena maaliyadeed,” ayuu yiri Beyle, isagoo intaasi ku daray in dowladda ay sameynayso isbedel.

Si kastaba, warbixinta IMF ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay wali ku tiirsan tahay deeqaha uu caalamku siiyo, iyadoo la taageerayao bixinta mushaarka Ciidanka iyo Xubanaha Baarlamaanka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM