Fahad Yaasin oo diyaarad dhexdeeda ugu gacan-qaadey diblomaasi UN

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahad Yaasiin, taliye ku xigeenka cusub ee hay'adda Nabad Sugida dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA ayaa gudaha diyaaradda Qatar Airways ugu gacan qaadey diblomaasi katirsan Qaramada Midoobey 21-kii bishan September.

Qof kamid ah rakaabkii diyaaradda oo ka timid dhanka Doha islamarkaana ku degtay Garoonka Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi ayaa sheegay inuu arkay Fahad oo u gacan-qaadaya nin Asia kasoo jeeda oo la shaqeeya UN-ka.

Fahad ayaa ninkan diblomaasiga ah si qasab ah uga qaatey Taleefonkiisa gacanta, kadibna qof kaloo isaga la socday oo loo maleynayo inuu yahay sarkaal Soomaali ah ayaa xabadka iyo qoorta feer uga dhuftay, sida uu sheegay goobjoogaha.

"Waxaan ahay Diblomaasi, waxaan ahay shaqaale katirsan UN-ka, waxaana u sheegayaa UN-ka, fadlan jooji, fadlan jooji ha iigu xad-gudbin," ayuu ku cabaaday ninka uu garaacay Fahad, kaasoo markii diyaaradda degtay dacwo ka gudbiyay.

Garowe Online ayaa ogaadey in Sababa Fahad Yaasin falkan ugula dhaqaaqay Ninka ajnabiga ah ee katirsan QM ay tahay inuu sawirro qarsoodi ah taleefonkiisa uga qaadey isagoo ku dhuumaaleysanaya diyaaradda Qatar Airways gudaheeda, kadib soo geliyay baraha Internet-ka.

Ninkan la socday Fahad ayaa lagu sheegay magaciisa Cabdixakiin, kaasoo ah gacan-yarihiisa gaar ah.

Markii gacan-qaadka mudo daqiiqado ah socday oo ninka Asian-ka ah si xun loo garaacey, ayaa waxaa kusoo orday shaqaalaha diyaaradda, oo ka dalbadeen Fahad Yaasin inuu joojiyo dagaalka, balse dhegaha ayuu ka fureystay taasi.

"Saddex shaqaalaha Qatar Airways kamid ah ayaa yimid iyagoo ordaya, waxaana ay ka dalbadeen kuwa Soomaalida ah inay joojiyaan garaacida ninka Asian-ka ah, balse ma joojin oo way sii wadeen gacan qaadka," ayuu yiri goobjoogaha.

Markii diyaaradda caga dhigatay Jommo Kenyatta Airport ayaa waxuu ninka lagu xad gudbay arkay Boolis soo galaya gudaha, iyadoo mid kamid ah raggii la socday Fahad Yaasin ayaa Luuqadda Sawaaxiliga kula hadlay, iyadoo mid kale uu gacanta u saarey Booliska lacag badan oo laaluush ah, kadibna boorsooyinkoodii ayay diyaaradda kala degaan.

Qofkii rakaabka ahaa ayaa sidoo kale sheegay inuu arkay Booliska Kenya oo isku geedaamay/hareereeyay ninkii uu dhibaatada u geystay Fahad Yaasin, ee katirsan UN-ka, kaasi dalbaday in la caawiyo oo loo xiro kuwa u gacan qaadey.

"Waxaan ahay shaqaale UN, waxaan ahay diblomaasi, waxaan leeyahay xasaanad, waxaa igu xad-gudbay oo i dhibaateeyay kuwa Soomaalida ah, fadlan i caawiya, fadlan i caawiya, fadlan i caawiya," ayuu yiri ninka la feeray.

Laakiin waxaa la yaab lahayd in Booliskii caawinaadda la waydiistay ayaa si xun ula dhaqmay dhibanaha, iyagoo xabadka gacanta inta ka saarey dib isaga riixay, islamarkaana ku qayliyay/canaantay, maadaama lacag badan uu siiyay Fahad Yaasin.

Fahad Yaasin oo hadda dacwad uga furan tahay dalka Kenya, oo loo haysto sida uu ku helay baasabooro kala duwan oo Kenyan ah, isagoo sarkaal sirdoon ajnabi ah, ayaa si dhuumaalaysi ah ku galay Nairobi oo reerkiisu degan yahay.

Xilli Kiiskan uu socdo, ayaa hay'adda Socdaalka [Imigration] Kenya baasaboorkii kala noqotay wiil uu dhalay Fahad Yaasin, oo dalkaasi isaga soo baxay kadibna loo diray wadanka Cumaan. [Halkan ka akhri warbixinta]

Farmaajo ayaa bishii August ee sanadkan Fahad, oo ah shaqsi saameyn ku leh siyaasadda dowladdiisa u magacaabey taliye ku xigeenka NISA, isagoo kasoo wareejyay Villa Somalia, oo kasoo noqday Agaasiime.

Wali dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kama aysan hadlin falkan uu Fahad Yaasin kula kacay ninka UN-ka katirsan, ee diyaaradda Qatar Airways kula dhex feeray.

Fahad oo xiriir dhaw la leh Sirdoonka Qadar ayaa si joogto ah ugu safra magaalada Doha, isagoo u taga arrimo aan la ogeyn, waxaana uu iska qariyaa warbaahinta oo isha ku haysa dhaq-dhaqaaqiisa, maadama howsha uu hayo tahay mid daahsoon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM