Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo ku kulmay Turkiga [Maxay ka hadleen?]

Image
Image

ISTANBUL, Turkey - Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga kula kulmay, Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweyhii 8aad ee Soomaaliya, islamarkaana isaga uu xilka kala wareegay kadib doorashadii 8-dii Febuary, 2017.

Qoraal lasoo dhigay bogga Twitter-ka Farmaajo, ayaa lagu sheegay in labada mas'uul ay kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka, iyagoo iska wareystay horumarka, fursadaha iyo caqabadaha horyaalla wadanka.

"Waxaan la kulmay Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh, Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursadaha iyo caqabadaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna," ayuu lagu yiro warka Twitterka lasoo dhigay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u tagey dalka Turkiga ka qeyb-galka munaasabadiii caleema-saarka iyo dhaarinta Madaxweyne Erdogan, oo maalintii shalay ka dhacday xarunta baarlamaanka dalkaasi ee ku yaalla magaalada Ankara.

Farmaajo ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu gaareey meel wanaagsan sanadihii ugu dambeeyay isagoo arintaasi ugu mahaceliyay Erdogan oo maamulkiisa garab istaag u sameeyay dalka xilli adag oo macluul iyo abaaro jireen 2011.

Turkiga oo xiriir la leh Qadar, oo dalalka Khaliijka Carabta ay ku eedeeyeen inuu taageero kooxaha argagaxisada ayaa saldhig military ballaaran ka sameystay Muqdisho, iyadoo Hay'ado laga leeyahay dalkaasi ay maamulayaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM