Farmaajo oo baaqday Shirweynaha Midowga Afrika [Akhri Sababta]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] ayaa ka baaqday ka qeybgalka Shirweynaha 31-aad ee Ururka Midowga Afrika oo ka furmaya caasimadda dalka Mauritania ee Nouakchott.

Sababta uu Farmaajo uga baaqday inuu ka qeybgalo Shirkaan ayaa sida Warsidaha Garowe Online ogaaday ay tahay Munaasadda Is-raaca Goballadda Waqooyi iyo Koonfureed ee dalka iyo Maalinta Xorriyadda Soomaaliya ee 1-da Luulyo oo Berri la xusi doono.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa wuxuu ku metali doonaa shirkaan Soomaaliya, kaasoo maalintii shalay oo Jimco ahayd ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qodobadda Shir-madaxeedka Midowga Afrika looga hadli doono ayaa waxaa kamid ah; amaanka, dhaqaalaha, musuq-maasuqa, iyo is-dhaxgalka dalalka Qaaradda Afrika, ee ku mideysan Urur Midowga Afrika [AU].

Sidoo kale, kulankaan mudada uu socdo oo ah 1-da illaa 2-da July waxaa leysla soo qaadi doonaa heshiiskii ay dhawaan kuwada saxiixdeen dalka Suudaan hogaamiya mucaaradka iyo Madaxweynaha wadanka ugu da'da yar caalamka ee Suudaanta Koonfureed [South Sudan].

Shirkaan waxaa kasoo qeybgalaya dhamaan madaxda Qaaradda Africa, kuwaasoo si gaar ah iyo guud ah uga wada hadli doono Ajandayaasha loo dejiyay in kulankaan lagu faa'iqdo.

Wasiiru dowladdaha wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyo mas'uuliyiin sare ayaa dalka Mauritania, uga sii horeeya Wafdiga Ra'iisul Wasaare ku xigeenka, kuwaasi oo ka qeyb-galay kulan loogu gogol-xaarayay shir madaxeedka Midowga Africa.

Sidoo kale, mudada uu socdo Shirka, ayaa waxaa sidoo kale jiri doona shir ay yeelan doonan Guddiga Dhaqaalaha, kaasoo Soomaaliya ay ka qeybgali doonto.

Ka hor inta uusan ka dhoofin garoonka Aadan Cadde, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, oo u waramay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay dalka, uuna filayo inay wax wanaagsan ay kasoo baxaan.

Shirkaan oo ah kii 31-aad ee Madaxda Ururka Midowga Africa ayaa  socon doonaa muddo Labo Cisho ah, waxaana inta uu socdo la filayaa inay si wayn uga doodan madaxda qodobadda Miiska saaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM