Farmaajo oo hakiyay Kulankii Baarlamaanka [Mooshinka oo Waqtigiisa dhacay]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hakiyay kulankii maanta ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka, kaasi oo laga baqayay in qalalaase uu ka dhaco.

Baaqashada ayaa timid kadib codsi ka yimid Madaxweynaha, oo wararka Warsidaha Garowe Online helayo ay sheegayaan in cadaadis uga yimid dhanka Beesha Caalamka oo ka dalbaday in uu soo farageliyo Khilaafka Xildhbaanada Gollaha Shacabka.

Farmaajo ayaa xalay saqdii dhexe kulan gaar ah la yeeshay Gudoomiyaha Gollaha shacabka Maxamed Cismaan Jawaari, labadiisa ku xigeen iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kulankaasi oo lagu go'aamiyay baaqashada Kulanka maanta.

Madaxweynaha ayaa billaabey dhex-dhexaadin soo daahday, kadib markii Aqalka Sare Gudigii uu u xil-saarey xalinta Khilaafka ay ku dhawaaqeen inay joojiyeen waan-waantii ay ka wadeen Khilaafka Siyaasadeed ee Gollaha Shacabka.

Baaqashada Kulanka ayaa waxaa la filayaa in wadahadal lagu xaliyo muranka taagan iyadoo wararku sheegayaan in dhinaca sharciyada la aadi doono hadii mooshinka la horgrynayo aqalka hoose ee Barlamanka.

Waxaa tan iyo shalay ka jirtay Muqdisho cabsi, iyadoo wadooyinka magaalada intooda badan la xiray oo Ciidamo lagu daadiyay, taasina loo sameeyay in laga hortago in Xildhibaanada taageersan Jawaari ay hub la galaan xarunta Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM