Farmaajo oo la xiriiray Al-siisi xilli Khilaaf Imaaraadka sii xumaanayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xiriir Khadka Taleefonka la sameeyay dhigiisa Masar Cabdifitaax Al Siisi.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu ugu hambalyeeyay Al Siiisi guusha uu ka gaarey doorashadii bishan ka dhacday dalkiisa, oo mar labaad xilka loo doortay.

Si buuxda looma shaacin waxyaabaha kala ee ay kawada hadleen Farmaajo iyo dhigiisa Masar, marka laga reebo hambalyada doorashada Al Siisi.

Xiriirka uu la sameeyay Madaxweyne Farmaajo Al Siisi ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladdiisa xiriirkii kala dhaxeeyay Imaaraadka uu aad u xumaaday, islamarkaana ay labada dal qarka u saaran yihiin inay Safaaradaha kala qaataan.

Warar ayaa sheegay in Farmaajo uu ka codsaday Al Siiisi inuu sooo farageliyo Khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka, maadaama Masar ay kamid tahay dalalka xulufada Carbeed ee xiriirka u jaray Qadar June 5, 2017.

Madaxweyne Farmaajo ayaa baajiyay safar la filyay inuu bishan ku tago Qadar sababo la xiriira Khilaafkii ka taagnaa Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM