Farmaajo oo lagu eedeeyay inuu lacag siiyo Xildhibaano [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdi Saabir Nuur Shuuriye, oo katirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa weerar afka ah ku qaadey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isagoo ka hadlay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay in Farmaajo uu xilkiisa ku weyn doono qodobo kamid ah dastuurka oo uu jebiyay, kuwaasi oo uu kamid yahay weerarkii iyo xarigii CC Shakuur.

Cabdi Saabir oo kamid ah labo Xildhibaan oo Xeer Ilaaliyaha qaranka kusoo eedeeyay qaran-dumis ayaa ayaa sheegay in Gollaha Shacabka horgeynayaan mooshin ka dhan ah Farmaajo marka uu furmo kalfadhiga 3aad.

"Xaq ayaan u leenahay hadii uu Madaxweynaha jebiyo qodob kamid ah qodobada Dastuurka waxaa waajib nagu ah oo aan u dhaaranay in aan la xisaabtano, la xisaabtankiisa ma ahan inaan inaan madaxa ka salaaxno, ee waa inaan soo jeedin keeno Baaralamaanka oo xilka looga qaado," ayuu yiri Xildhibaan Saabir.

Waxa uu intaasi ku daray in tiro dhowr jeer ah uu Madaxweyne Farmaajo ku xad-gudbay Xeerka dalka, iyadoo ugu dambeeyeen Qalbi-Dhagax, oo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo loo gacan geliyaya dowlad shisheeye iyo weerar si gardarro ah loogu qaadey Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

"Farmaajo annagaa adinka hortaagan dadweynow ogaada, ee hal hal ayuu sidoo Qalbi Dhagax adiin dhoofin lahaa, oo dowlado shisheeye adin dhiibi lahaa," ayuu yiri Saabir.

Xildhibaanka ayaa xusay in Mooshinka ay wadaan uusan ahayn mid wax lagu duminayo, balse uu yahay mid wax lagu saxayo, oo hogaanka lagula xisaabtamayo, hadii uu qaldan yahayna xilka looga qaadayo.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Farmaajo oo la bedalaa aysan ahayn qaran-dumis, isagoo tilmaamay in shaqsiga hadiii uu xumaado in la bedalayo, taasina aysan waxba u dhimaynin dowladda jiritaankeeda.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdi Saabir ayaa ka hadlay eedayntii Xeer Ilaalinta Qaranka isaga iyo Xildhibaan kale, isagoo ku tilmaamay go'aankaasi mid xad-gudub ah, oo aan la isaga hareynin.

"Sharaf darradii iyo karaama dilkii nagu sameeyay Xeer ilaaliyaha qaranka waxaan ku kala baxaynaa sharciga, waxaana rajaynayaa in qaladkiisa ciqaabtiisa uu mari doono," ayuu yiri Xildhibaan Saabir.

Hadalka Xildhibaan Saabir ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ciidamda dowladda weerar ku qaadeen guriya Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishkuur, kaasi oo xabsiga la dhigay iyadoo lagu soo eedeeyay qiyaano-qaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM