Farmaajo oo magacaabay La-taliyihiisa dhanka Amniga Qaranka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay La-taliyihiisa cusub ee dhinac amniga, xilli dowladda federaalka ay ku howlan tahay guluf colaadeed oo Al Shabaab looga sifeynayo guud ahaan wadanka.

Magacaabista La-taliyahan oo lagu magacaabay Cabdi Saciid M Cali waxaa bartiisa Twitter ku shaaciyay Ergayga QM ee Soomaaliya Michael Keating.

Ma jirto digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha oo ku aadan magacaabista.

Mas'uulkan ayaa horey ula soo shaqeeyay dowladihii soo maray dalka, sidoo kale waxa uu soo noqday la taliyaha dhinac Siyaasadda Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Africa.

Cabdi Saciid Muuse Cali waxa uu lasoo shaqeeyay oo La-taliye usoo noqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed intii u dhaxaysay 2004 illaa 2005-tii.

Micheal Keating, Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay magacaabista Cabdi Saciid Muuse loo magacaabay La-taliyaha dhinaca amaanka Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal uu soo dhigay Boggiisa Twitter-ka, ayuu Keating ku yiri: Hambalyo Cabdi Saciid, waxaa laguu magacaabay Shaqo adag xilli xasaasi ah, QM iyo beesha caalamka way kula shaqeyn doonaan."

Cabdi waxa uu noqonayaa ta-taliyihii 3aad oo Madaxweyne Farmaajo dhanka amaanka u magacaabo tan iyo markii uu talada dalka la wareegay bishii Febaury ee sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM