Farmaajo oo Khadka Taleefonka kula hadlay Uhuru kadib weerarkii Nairobi

Image

MUQDISHO, Somalia - Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta khadka Taleefonka kula hadlay dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta, kadib weerarkii hotel-ka Dusit D2 ee magaalada Nairobi.

Farmaajo ayaa uu sheegy Uhuru in Somalia ay garab taagan tahay Kenya xilligan adag ay ku jirto, isagoo dhanka kale tilmamay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in dalalka deriska ah kala shaqeyso la dagaalanka argagaxisada iyo ciribtirkooda.

Labada hogaamiye ayaa wadahadalkooda waxa uu ku qotomay weerarkii ay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku ekeeyeen Hoteelka qaaliga ah ee Dusit-ka 2aad, halkaasi oo lagu dilay in ka badan 21 ruux.

"Waxaan telafoonka kula hadlay Madaxwayne Uhuru Kenyatta [subaxnimada Khamiista]. Inaga waxaan garab taagan nahay Kenya mar-xaladaan adag," ayaa laga soo xigtay Madaxwayne Farmaajo.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Urur-waynaha Al-Qaacida ayaa sheegatay weerarkaan, kaasi oo noqonaya midkii ugu cuslaa Lix sano kadib toogashadii Westgate Mall, halkaasi oo lagu dilay 60 qof.

Madaxwaynaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux-nuux saday in dowladiisu ay ka go’an tahay sidii loo dabar-jari lahaa kooxaha argagaxisada ah oo gobolka kusii baahayay sanadihii udambeeyay.

"Dowlada Somalia waxay mar kasta diyaar u tahay inay kala shaqayso deriskeena dhamaan dadaalada lagu joojinayo, lagu ciribtirayo iyo lagu wiiqayo dhaqamada xun ee argigixisada," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Farmaajo.

Al-Shabaab oo la aas-aasey 2006-dii ayaa laga saarey magaalada caasimada ah ee Muqdisho markii ciidamada AMISOM ay dalka yimaadeen, balse, tan iyo xiligaasi waxay bedashay xeeladeeda dagaal taasi oo ay ku dishay boqolaal ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM