Fartaag oo shaaciyey xilliga shirka

Image

Axad, Sept 14, 2014 (Garowe Online)- Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa beeniyey warar laysla dhex marayo oo sheegaya in shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinku waqtigii loo qabtay dib uga dhici doono.

Fartaag ayaa shaaciyey in maalinta Talaadada ee bisha September ay 16-ka tahay shirku furmi doono, isagoo intaas raaciyey in la diyaariyey goobta uu shirku ka furmayo iyo weliba goobaha loogu tala galay in ergooyinka la dejiyo.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxmed Islaan iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada oo magaalada Nairobi ku sugan ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah ay magaalada Kismayo soo gaaraan.

Wufuud tira badan oo ka socota qaybaha kala duwan ee bulshada gobollada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo ayaa maalmihii u dambeeyey magaalada Kismaayo soo gaarey, qaar kalena waxaa la filayaa in 48-da saac ee soo socota ay ku yimaadaan.

Qabanqaabada shirka ayaa si weyn looga dareemayaa guud ahaan magaalada Kismaayo, boorar iyo hal-ku-dhigyo nabadeed ayaa jidadka iyo meelaha dadku isugu yimaadaan lagu dhejiyey, ammaankana si weyn ayaa loo adkeeyey.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM