Golaha wasiirada DF oo ansaxiyey gudiyada dorashada iyo xududaha

Image

Muqdishi, 07, May, 2015- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo maanta yeeshay  kulankoodii caadiga ahaa ayaa waxaa shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxaana goluhu ansixiyeen Guddiyada madaxa bannaan ee Doorashooyinka, Guddiga Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga Xuduudaha.

Golaha Wasiirrada ayaa markii ay dood dheer ka yeesheen soo jeedinta Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha Gudaha iyo Federalka, waxay ansixiyeen saddexdaan guddi, kuwaas oo muhiim u ah in Soomaaliya la gaarsiiyo Higsiga 2016.

Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane C/laahi Axmed Jaamac(Ilka-jiir) oo saxaafadda la hadlay ansixinta kadib, ayaa akhriyay magacyada 7 xubnood oo ku guuleystay iney ka mid noqdaan Guddiga Adeegga Garsoorka, waxaana dhawaan lagu soo dari doona labada xubnood oo ka dhiman gudigaan. 

Magacyada Guddiga Adeega Garsoorka:

1.      Mudane Caydiid C/laahi (Ilka-xanaf) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

2.      Dr. Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

3.      Avv Maryam Xaaji Cilmi Maxamuud Ururka Garyaqaanada.

4.      Avv Shariif Sheekhunaa Maye Bulshada Rayidka ah

5.      Prof Ciise Axmed Warsame Ururka Garyaqaanada Soomaaliyeed

6.      Mudane Axmed C/laahi Xuseen Bulshada Rayid ah

7.      Sheekh Cismaan Ibrahim Axmed Bulshada Rayid ah

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa dhankiisa sheegay in gudiyaadan qorshahoodu ahaa in la dhiso mudo 60 maalmood gudahooda   sanadkii 2012 kadib markii la ansixiyey xukuumadii ugu horaysay, waxase maanta ku guulaysatay xukuumadaan iney ku dhisto gudiyadaan mudo bil gudaheeda, kadib markii ay magacowday horaantii bishii hore gudiyadii soo xuli lahaa. Waxaana labadaan gudi u tartamay 356 qof  oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada. 

Gudigaan markii la soo kala saaray ayaa maanta golaha wasiiradu waxaa la hor keenay 46 xubnood  si looga soo dhex xulo 18 xubnood oo kala noqon doona gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka iyo Gudiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka. dood dheer kadib waxaa cod aqlabiyad ah lagu ansixiyey  labadaan gudi oo hoos ku qoran: 

Magacyada Guddiga Doorashooyinka:

1.      Siciid Xaashi Warsame

2.      Maxamed Xasan Thaani

3.      Xuseen Cabdi Aaden

4.      Sayid Cali Sheekh Maxamed

5.      Maxamed Axmed Nuur

6.      C/rixmaan Cismaan Dirir

7.      Maxamed Daahir Maxamuud

8.      Xaliimo Ismaaciil Ibraahiim

9.     Khadiijo Cosoble Cal

Magacyada   Guddiga Xuduudaha:

1.      Muuse Waxgarad C/laahi

2.      Liibaan Cali Sahal

3.      Maxamed Muxyadiin Sh. Sahal

4.      Dr. C/laahi Gacal Cabdi

5.      Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim

6.      Siciido Xasan Cusmaan

7.      Xuseen Xaashi Xasan

8.      C/khaaliq C/laahi Xamza

9.      Khaliif C/kariin Maxamed

Ugu danbayntii Wasaarada Maaliyadda ayaa soo jeedisay sidii wax looga qabaan lahaa gaadiid dowladu leedahay oo ku maqan gacanta shacabka,  waxaana goluhu isku raacay magacaabista guddi ka kooban Wasaaradaha Gadiidka Cirka iyo Dhulka, Wasaaradda Maaliyadda, iyo Wasaarda Amniga, Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Hanti dhowrka guud, iney soo diyaariyaan habka ugu wanaagsan oo gawaaridaan dib loogu soo celin lahaa.

---DHAMAAD---

Diraac Salaad Fagaase
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska RW

Muqdisho, Soomaaliya

media@opm.gov.so

Related Articles

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay madaxda maamulada xilli ay xiisad jirto

Casuumaadan ayaa imaanaysa saacado kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maamulada soo saarayaan bayaan wadajir ah.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 04:28AM

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Salah Jama ayaa goobjoog ahaa munaasabadan.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 12:07PM