Go'aankii lagu fasaxay CC Shakuur oo racfaan laga qaatey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay inuu racfaan ka qaaatay go'aankii Maxkamadda gobolka Banaadir ee lagu soo daayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

War kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa lagu xaqiijiyay in Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ay soo saartay Warqadda mudeynta Dacwadda ciqaabta ee lidka ku ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Racfaankan ayaa waxay Xeer ilaalinta qaadatey 23-ka bishan December markii Maxkamadda gobolka Banaadir ay ku dhawaaqday in wax dembi ah lagu waayay Siyaasigan lagu eedeeyay qaran-dumiska.

Dacwadan waxaa la mudeeyay oo la dhagaysan doonaa maalinta berri ah, oo ay Taariikhdu tahay 27-ka December, saacadu markay tahay 10:00am (Aroornimo).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM