Golaha guurtida SL oo guddi u saarey waqti kordhinta xukuumadda

Image

HARGEYSA May 3, 2015 (GO)- Golaha guurtida Somaliland oo maanta kulan isugu yimid ayaa guddi u saarey iney go'aan kasoo gaaraan waqtiga loo korhdin karo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Silaanyo.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo la hadley saxaafadda ayaa sheegey in guddi ka kooban 28 odey loo saarey iney kulamo la qataan xisbiyada mucaaradka.

Guddiga ayaa la sheeegey iney kala tashan doonaan madaxda xisbiyada Kulmiye, UCID iyo Wadani fikirka ay ka qabaan waqti kordhintu inta ay noqon karto.

Dhowaan ayey ahayd markii Guddiga doorashada Somaliland shaaciyey in doorshada la qaban karin waqtiga loogu talagley sababo xagga farsamada ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM