Sharciga Batroolka oo la ansixiyey xilli uu khilaaf ka taagan yahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah Soomaaliya ayaa kulan ku leh xaruntooda magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Shirka oo uu gudoominayo ku xigeenka 1aad ee afhayeenka Aqalka Hoose, Cabdiwali Ibraahim Muudey, ayaa waxaa soo xaadirtay ku dhowaad 154 mudane oo kamida Golahaasi.

Ajendayaasha kulanka looga dooday ayaa kala ahaa; Xeerka Bartoolka, Sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa.

Mudaneyaasha ayaa cod wadar ogol ah waxay ku meel-mariyeen Sharciga Bartoolka kaasoo ay soo gudbisay Wasaarada Bartoolka xukuumada Xasan Cali Khayre.

Sharcigaasi oo ay maamulada qaarkood kasoo horjeesteen ayaa waxaa ogolaatay 150 Xildhibaan xili ay kasoo horjeesteen afar kale, mana jirin cid ka aamustay.

Tani ayaa ka dhigan in Aqalka Hoose uu meel-mariyey xeerkii labaad oo ay qaadaceen dowlad goboleedyadda, maadaama Sabtidii ay ansixiyeen Sharciga Qeybsiga Kheyraadka.

Hindisa Sharciyadeedkan ayaa loo gudbin doonaa Aqalka Sarre si oo dhankiisa u meel-mariyo kahor inta aan loo gudbin madaxweynaha oo ugu dambeyn qalinka ku jiidaya.

Xeerka Bartoolka oo wax ka bedel lagu sameeyay ayaa wuxuu lamid yahay kii 2008-dii. Sikastaba, Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in December 2019 ay bixiso heshiisyada soo saarista Shidaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM