Gorod iyo La-taliyaha amniga ee Farmaajo oo khilaaf ka dhex qarxay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Khilaaf ugub ah ayaa ka dhex qarxay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen [Gorod] iyo La-taliyaha Madaxweyne Farmaajo dhanka amaanka qaranka, Cabdi-Saciid Muuse.

Khilaafkan oo soo ifbaxay dhawaan ayaa salka ku haya arrimaha Isbedelka la doonayo in lagu sameeyo Ciidamada Xoogga dalka, iyadoo arintaasi Gorod iyo Cabdi-Saciid ay isku qabteen qaabka loo wajahayo.

Qoraallo ay isagu jawaabeen labada mas'uul, oo nuqullo kamid ah uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa mida Jeneraal Gorod ka muuqday jawaab digniin culus xambaarsan, oo uu u diray Cabdi-Saciid.

Gorod ayaa aad uga carooday warqad uu usoo qoray 16-kii January ee 2018-ka, taasi oo kula wadaagay walaaca uu ka qabo kala warqabid la'aanta Xafiiska Amniga Qaranka iyo Xafiisyada Ciidamada Xoogga.

La-taliyaha Madaxweyne Farmaajo Cabdi-Saciid dhanka Arrimaha Amniga, Cabdi-Saciid Muuse ayaa usoo jeediyay Jeneraal Gorod inuu fuliyo saddex qodob oo kala ah;

In aan hub laga bixin karin Keydka Hubka Ciidanka, illaa laga sameynayo hanaan hufan, oo ay kuwada shaqeyn karaan Xafiiska Amniga Qaranka, Xafiiska Taliska Ciidamada Xoogga iyo Beesha caalamka.

In Warbixin arrimaha Ciidamada ku saabsan sida Hubka, Rasaasta, Saadka iyo Agabkooda aan lala wadaagi karin dalalka Beesha caalamka, iyadoo aan lagu wargelin Xafiiska Amniga Qaranka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.

In Lambarada la siinayo Askarta cusub ee kusoo biiraysa Ciidamada looga dambeeyo Gudi Isku-dhaf shaqo, oo uu gudoomiye u yahay La-Taliyaha Madaxweyne Farmaajo, Cabdi-Saciid Muuse.

Jawaabta Gorod

Jeneraal Gorod ayaa bishan Warqad jawaab ah u diray Cabdi-Saciid Muuse, isagoo si cad ugu sheegay inuusan awood u lahayn inuu soo farageliyo arrimaha Ciidanka Xoogga dalka iyo qaabka loo maamulayo.

"Marka hore waxaan kula socod siinaayaa in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed uu si toos ah u hoos yimaado xafiiska Taliyaha Ciidamada XDS, cid kalena aan toos ula xiriir karin sida waafaqsan nidaamka sharciga ah ee habsami u socodka howlaha maamulka xafiisyada dowladda," ayuu ugu jawaabay Gorod Cabdi-Saciid.

Jeneraal Gorod ayaa sidoo kale uga digay La-Taliyaha Arrimaha Amniga Madaxweyne Farmaajo Cabdi-Saciid inuu soo farageliyo arrimaha Ciidanka iyo inuu markale warqad noocan ah usoo qoro Xafiiskaiisa.

Ugu dambeyntii, Jeneraal Gorod ayaa warqadda Cabdi-Saciid ku tilmaamay mid qaldan, islamarkaana khilaafsan nidaamka sharciga ee awoodaha xafiisyada dowliga ah, qofka soo qorayna uu yahay mid aan waxba kala aqoon.

Ciidamada Soomaaliya ayaa waxaa beesha caalamka oo dhasaqale ku bixisa dabada ka riixeysa in amniga dalka la wargeegaan sanadka soo socda dabayaaqadiisa iyadoo inta ka horeysa ay khasab tahay la raaco shuruucda suurtaglineysa hirgalinta barnaamijkaas.

Hoos ka akhri Warqadaha la isku jawaabay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo ku eedeeyay Sheekh Shariif iyo Khayre inay abaabuleen afgambi ka dhan ah Xasan Sheekh

Fiqi ayaa sidoo kale ku andacooday in mucaaradku ay abaabuleen maleeshiyaad si weyn u hubeysan iyagoo ku gambanaya banaanbax nabadeed.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 07:24AM

Barakac Ka Billowday Qaar Ka Mid Ah Xaafadaha Muqdisho Xilli Xiisadda Sii Kordhayso

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ama hoggaanka mucaaradka oo ku saabsan barakaca la soo sheegayo.

  • Soomaliya

    03-06-2026

  • 09:27AM