Guddiga Maaliyadda BF Somalia oo doortay guddoon cusub

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga maaliyadda Golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya ayaa kulan uu maanta ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ku doortay guddoon cusub, kadib markii lagu sameeyay isbedel.

Guddoomiyaha guddiga ayaa loo doortay Maxamuud Cabdulahi Sheekh Siraaji, iyadoo guddoomiye ku xigeenka loo doortay Amino Sheekh Cismaan halka xoghaye laga dhigay Aadan Cali Xasan.

Guddigan ayaa looga fadhiyaa in 30-ka bishan horkeeno Gollaha Shacabka Miisaaniyadda 2019, si loo ansixiyo kahor inta uusan dhamaan 2018.

Tallaabadan oo qeyb ka ah qorshaha Xukuumadda ee xubnaha mucaaradka looga saarayo Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo Qorsheynta ee Gollaha, kaasoo dhawaan soo bandhigay warbixin musuq maasuq ku eedeysay Wasaaradda Maaliyadda.

Guddiga ayaa warbixintiisa ku sheegay in Miisaaniyadda cusub ee 2019 ka maqan tahay $42 milyan oo dollar, taasoo $20 milyan oo kamid ah ka hartay $50 milyan oo Sacuudiga Soomaaliya ugu deeqay 2017, iyadoo lacagtan aan la ogeyn halka ay ka baxday.

Isbedelkii Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ku sameeyay Guddiga Maaliyadda ayaa lagu beegsaday saddex xubnood oo caqabad ku ahaa Xukuumadda, kuwaasoo kala ah Gudoomiyihii Guddiga Cali Cabdi Cismaan , Gudoomiye ku xigeenkii Maxamed Aadan Maclin iyo xoghayihii Guud ee Guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Xubnahan ayaa caqabad ku ahaa Xukuumadda  Xasan Cali Khayre, gaar ahaan Wasiirka Maaliyadda, C/raxmaan Ducaalle Beyle oo lagu eedeeyay musuq-maasuq maaliyadeed, kadib markii uu jawaab u waayay halka uu ku bixiyay lacagaha maqan.

Warbixintii Musuq-maasuqaa ee uu Guddiga Maaliyadda daabacay ayaa bam ku noqday Xukuumadda Bam lagu qarxiyay barnaamjikeeda la dagaalanka musuq-maasuqa, maadaama lasoo bandhigin malaayiin dollar oo ka maqan miisaaniyadda 2019.

Bishii May ee sanadkan 2018, Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka la siiyay min $5,000 (Shan Kun oo Doolar), waxaana la sheegay inay tahay lacag ay madaxda dowladda ugu talogaleen xildhibaannada, balse markii danbe magacyo badan yeelatay.

Lacagtan ayaan ahayn mushaar iyo gunnada ay sharci ahaan u leeyihiin Xildhibaanada Gollaha shacabka, waxayna bixiysay Wasaaradda Maaliyadda iyadoo aan lasoo marin xeerarka dowliga ah ee maaliyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM