Guddoomiyihii degmada Jannaale oo weerar qorsheysan lagu diley [DHEGEYSO]

Image

August 4, 2015 (GO)- Dabley hubeysan ayaa xalay toogasho ku diley guddoomiyihii degmada Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose, Cabdiqaadir Ibraahim Sheekh Cali iyo labo kamid ah ilaaladiisa.

Weerarka ayaa dhacay abbaare lixdii saac ee habeenimo, waxaana fuliyey ugu yaraan saddex nin oo  wejiga soo duubtey kuna hubeysnaa qoryaha daran-doorriga u dhaca, kuwaas oo weerar gaadmo ah kusoo qaaday guriga guddoomiyaha.

Ciidamada booliska ee degmada iyo ciidamo kale oo ka tirsan AMISOM ayaa goobta soo gaarey daqiiqado kadib, haseyeeshee uma suurtogelin inay gacanta kusoo dhigaan kuwii dilka geystey.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka guddoomiyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM