Hargeysa: booliska Somaliland oo la wareegey idaacad yar

Image

November 18, 2014 (GO)- Ciidamada booliska Somaliland ayaa xalay la wareegey Idaacad yar oo FM ah taasoo ka hadli jirtey magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Idaacadda oo lagu magacaabo Baadi Goob inta badanna xilliga habeenka hawada soo geli jirtey islamarkaana baahin jirtey warar iyo warbixino liddi ku ah dowladda waxaa shantii bilood ee ugu dambeeyey ku raad joogey booliska.

Taliyaha Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdulaahi Fadal Iimaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xalay abbaare 9:30 fiidnimo hawlgal boolisku ka sameeyeen xaafadda Oktoobar idaacaddaas kusoo qabteen.

Taliye Fadal wuxuu intaas raaciyey in ciidamadu sidoo kale hawlgalkaas kusoo qabteen afar nin oo dhallinyaro ah oo qaarkood gacanta lagu dhigay iyagoo hawsha idaacadda ku gudo jira dhowaanna maxkamad lasoo taagi doono.

Radio Baadi Goob oo loo badinayo inay furteen qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradku waa idaacad yar oo guurguurta taasoo sanadkan horraantiisii Hargeysa laga furay dowladuna in mudo ah ku howlaneyd sidii loo xiri lahaa.

Sharciga Somaliland ayaa mamnuucaya in la furto idaacado madax banaan arintaasoo hay'adaha xoriyatul qawlka iyo xuquuqda saxaafadda u ololeeyaa walaac ka muujiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM