Hay’adaha amniga Soomaaliya oo war kasoo saaray kulanka Gollaha Shacabka

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa saaka soo saarey War Saxaafadeed wadajir ah kasoo saarey Kulanka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Qoraalka oo ka kooban 3 qodob ayaa Hay'adaha Booliska, Nabad Sugida, Asluubta uga hadlay amniga xarunta Gollaha Shacabka, iyagoo sidoo kale baaq u diray Xildhibaanada is-khilaafsan ee kulmaya.

War Saxaafadeedka ayaa lagu soo beegay xilli maanta uu ka dhacayo Gollaha Shacabka Kulan cod loogu qaadayo Mooshinka Jawaari, iyadoo dhanka la safan Gudoomiyaha ay qabsanayaan kulan kaasi kasoo hotjeeda.

Ciidamo Boolis ah ayaa la geliyay gudaha xarunta Gollaha Shacabka, si ay u ilaaliyaan xasiloonida, iyadoo Xildhibaanada Askarta Ilaalada u ah looga celiyay banaanka xarunta.

Hoos ka akhri Qoraalka Hay'adaha amniga:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM