NISA oo lagu eedeeyay in ay fududeysay weerarkii Xabsiga Dhexe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa fududeysay weerarkii maxaabiista Al-Shabaab ka dhex-fuliyeen Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, sidda uu shaaciyey siyaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo war-fidiyeenka kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in qorshaha ka dambeeya uu yahay "in la fakiyo maxaabiis Shabaab ah".

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa ku dhaleeceeyay dowladda federaalka in ay qarisay khasaaaraha weerarkii ay argagixisada ku qaadey xerada guutada 14-ka April ee magaala madaxda.

Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhintay - afar maxbuus ah iyo lix ilaalo ah - markii maxaabiis Al-Shabaab oo hub loo dusiyey ay toogasho ka geysteen jeelka ugu weyn Muqdisho shalay oo Axad ahayd.

Ismiidaamintii lagu ekeeyay Xerada Guutada 14-ka April ayaa lagu khaarijiyey 8 ruux oo isugu jira shacab iyo askar, halka tirro ka badan 15-na ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Sidda laga soo xigtay Mr Warsame, nabad-sugida Soomaaliya ayaa ku milantay argagixisada gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida, waana ay taas ku weysay kalsoonida dadweynaha.

"Xalay Shabaab ku xirnaa Xabsiga dhexe ayaa hub loo galiyay si loo fakiyo waa qorshe taliska Nabad-sugidda ka socda waxba yaan lagu marmarsiyoon madaxda Xabsiga, waxaan kala garan la'nahay in taliska nabad-sugida uu yahay Al-Shabaab iyo talis Soomaali u shaqeeya," ayuu yiri.

Wuxuu xusay: "Ra’iisul-wasaaraha cusub ee lasoo magacaabi-doono hadduu rabo kalsoonida dadka iyo in la aamino waa inuu taliska Nabad-sugidda hoggaankeeda ee iyaga shabaabka lakala garan la’yahay".

"Sidoo kale, waxaan rabnaa ra'iisul wasaare fulinaya heshiisyadii Dhuusamareeb 1 iyo 2, 3-na horey u sii ambaqaada," ayuu yiri, isagoo madaxda ku eedeeyay in ay ka dhaga-fureysteen baaqyadda saamileyda.

Hubanti la'aanta siyaasadeed ee dalka ka jirta gaar ahaan doorashooyinka soo aadan ayuu ka digay in ay waddanka geliso "xaalado colaadeed," isagoo ku baaqay shirarka looga tashanayo masiirka qaranka.

Ugu dambeyntii, weerarkii saldhiga guutada 14-ka April ayuu qeexay in ay madaxda dalka wax ka ogeyd "maadaama ciidamadii ku sugnaa xerada ay ahaayeen kuwii gadoodka ka sameeyay madaxtooyada horteeda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM