​HirShabeelle: DFS dhex-dhexaad kama ahaan karto Khilaafka Khaliijka

Image

JOWHAR, Somalia- Maamulka ugu da’da yar dowlad goboleedyada ka jira dalka Somalia, ayaa war-saxaafadeed kasoo baxay looga hadlay khilaafka wali ka aloosan waddamada Khaliijka ee xiriirka loogu jaray xukuumadda Qadar.

Warqad uu ku saxiixanyahay Madaxweynaha lagala noqday kalsoonida ee maamulka HirShabeelle ayaa lagu sheegay in dowladda Somalia aysan dhex-dhexaad ka ahaan karin arrimaha waddamada Khaliijka.

HirShabeelle ayaa dowladda Somalia ugu baaqday inay dib u eegto go’aankii hore ee ay ka qaadatay khilaafkaas.

Maamulkan ayaa sidoo kale sheegay in isagoo tixgalinaya rabitaanka shacabka reer HirShabeelle ay la safan yihiin xulafada Sucuudiga.

Dhinaca kale waxaa qoraalkaas lagu sheegay in arrintan aysan munaasab u ahayn Amniga iyo dhaqaalaha Somalia, maadaama labadaas dal ay ka gaystaan taageero laxaad leh.

Ugu dambayn maamulka HirShabeella ayaa cambaareeyay dhammaan cid kasta oo taageerta Argagixisada Somalia iyo kuwa kale ee dunida ka jira.

Arrintan ayaa timid xilli war-saxaafadeed noocaan oo kale ah soo saaray xukuumadda Puntland, waxaana u muuqdaa in labada qoraal ay aad isugu egyihiin.

Lama oga sababta keenta in muddo kadib maamulladan ay la saftaan xulafada Sucuudiga.

Maamulka HirShabeelle oo uu ka jiro khilaaf siyaasadeed ayaa dhawaan eedayn dusha uga tuuray Dowladda federaalka Somalia, kadib markii eedeeyay inay gacan ku leedahay dhibaatada kasoo cosboonaatay maamulkaas.

Wali go’aamadan kama aysan hadlin dowladda Federaalka Somalia ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM