Ilhaan Cumar oo ka hadashay "cabsi-gelinta" NISA ee Haaruun Macruf

Image

WASHINGTON, US – Ilhaan Cumar oo ka tirsan baarlamaanka Mareykanka isla markaana ah gabar asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay cabsi-gelinta hay'adda NISA ay ku hayso Haaruun Macruuf.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay garab istaaga ugu muujisay wariyaha laanta Afka Soomaaliya ee idaacadda VAO-da.

Xildhibaanada ayaa ololaha ka dhanka ah saxafiga baaritaanka sameeya ku tilmaamtay mid si qoto dheer mudan in looga murugoodo.

"Ololaha cabsi-gelinta ee ka dhanka ah Haaruun Macruuf waa mid si qoto dheer looga murugoodo," ayay hadalkeeda ku bilowday.

Intaas waxay raacisay: "Weeraradan, oo uu wehliyo xariggii 14-kii April lagula kacay Cabdicasiis Axmed Gurbiye isagoo ku guda jira shaqadiisa tabinta saameynta Covid-19 ee gudaha Soomaaliya, waa xadgudub aan la aqbali karin oo ka dhan ah xuquuqda aas-aasiga ah ee aadanaha".

Dhanka kale, war-saxaafadeed ay soo saartay ayay ugu baaqdey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in joojiso cabsi-gelinta iyo cadaadiska ay ku hayso warbaahinta xorta ah.

Mukhaabaraadka Soomaaliya oo ku eedeeyay Haaruun Macruuf in uu leeyahay "xiriir khatar ku ah amniga qaranka" ayaa sheegay in gal-dacwadeed ka dhan ah saxafiga ay u gudbiyeen xafiiska xeer-ilaalinta Qaranka.

Illaa iyo haatan ma cadda waxyabaaha daaha gedaashiisa ka socda ee ay salka ku hayso doodan qabsatay baraha bulshada Soomaalida.

Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA waxaa madax u ah Fahad Yaasiin Daahir, kaas oo lagu sheegay shaqsiga ugu awooda dowladda Farmaajo isla markaana uu gaaro go'aanada culus ee masiiriga ah.

GAROWE OLINE

Related Articles

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM