Ilhaan Cumar oo ka hadashay "cabsi-gelinta" NISA ee Haaruun Macruf

Image

WASHINGTON, US – Ilhaan Cumar oo ka tirsan baarlamaanka Mareykanka isla markaana ah gabar asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay cabsi-gelinta hay'adda NISA ay ku hayso Haaruun Macruuf.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay garab istaaga ugu muujisay wariyaha laanta Afka Soomaaliya ee idaacadda VAO-da.

Xildhibaanada ayaa ololaha ka dhanka ah saxafiga baaritaanka sameeya ku tilmaamtay mid si qoto dheer mudan in looga murugoodo.

"Ololaha cabsi-gelinta ee ka dhanka ah Haaruun Macruuf waa mid si qoto dheer looga murugoodo," ayay hadalkeeda ku bilowday.

Intaas waxay raacisay: "Weeraradan, oo uu wehliyo xariggii 14-kii April lagula kacay Cabdicasiis Axmed Gurbiye isagoo ku guda jira shaqadiisa tabinta saameynta Covid-19 ee gudaha Soomaaliya, waa xadgudub aan la aqbali karin oo ka dhan ah xuquuqda aas-aasiga ah ee aadanaha".

Dhanka kale, war-saxaafadeed ay soo saartay ayay ugu baaqdey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in joojiso cabsi-gelinta iyo cadaadiska ay ku hayso warbaahinta xorta ah.

Mukhaabaraadka Soomaaliya oo ku eedeeyay Haaruun Macruuf in uu leeyahay "xiriir khatar ku ah amniga qaranka" ayaa sheegay in gal-dacwadeed ka dhan ah saxafiga ay u gudbiyeen xafiiska xeer-ilaalinta Qaranka.

Illaa iyo haatan ma cadda waxyabaaha daaha gedaashiisa ka socda ee ay salka ku hayso doodan qabsatay baraha bulshada Soomaalida.

Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA waxaa madax u ah Fahad Yaasiin Daahir, kaas oo lagu sheegay shaqsiga ugu awooda dowladda Farmaajo isla markaana uu gaaro go'aanada culus ee masiiriga ah.

GAROWE OLINE

Related Articles

Qarax Is-miidaamin ah oo Ka Dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay agagaarka Jaalle Siyaad.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:17PM

Xasan Sheekh oo Diblomaasiyiinta Ajnabiga gaarsiiyay Fariin ku saabsan qorshihiisa doorashadda

Wadahadalladan ayaa yimid xilli siyaasadda dalka ay aad u kacsan tahay, kadib kulan kale oo 5-tii Luulyo ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 05:37PM